GUDIGII BAARAYEY TACADIYADII KA DHACAY DALKA YAMAN OO LA KALA DIRAY.
(GENEVE):Tan iyo markii uu bilawday kacdoonkii wadamadda carabta sannadkii 2011-kii dalka Yaman waxa uu ka mid ahaay wadamaddii uu ka dhacay kacdoonkaas waxaane dalka Yaman waqtigaas xukumaayey AUN- Cali Cabdalla Saalax,seddex sano ka dib kuna beegneed sannadkii 2014-kii waxaa magaaladda caasimadda ah ee Sanca qabsaday kooxda Xuutiyiinta oo gacan saar la leh dalka Iraan,waxa eeyna Xuutiyuunta dileen Cali Cabadalla Saalax,hal sano ka dib markii eey Xuutiyiintu qabsadeen caasimadda Sanca kuna beegneed sannadkii 2015-kii ayaa waxa dhacday inuu abuurmo isbahaysi uu hogaaminaayo dalka Sacuudiga kaasoo la dagaalamayo kooxda Xuutiyiinta ee isku balaarisay goboladda waqooyi dalka Yaman oo xuduud la leh dalka Boqortooyadda Sacuudiga.Isbahaysiga uu hogaaminaayo Sacuudiga oo adegsanaayo hub casri oo aad culus ayaa waxa weeraro dhinaca hawada ah ka fuliyey gooba kala duwan kuna yaalo goboladda eey maamulaan Xuutiyiinta,weeraradaas dhinaca hawada ah ayaa waxaa ka dhashay burbur hantiyeed iyo dhimasho aan kala sooc lahayn oo soo gaartay dad shacab ah una badan dumar iyo caruur,tiradda dadka ku dhintay colaad dalka Yaman ayaa lagu sheegay ineey kor u dhaaftay toban kun oo qofood halka dadka ku dhaawacmay eey dhan yihiin hal milyan oo qofood oo Yamaniyiin ah inta ku barakacdayne lama haayo tiradooda.
Dhibaatadda ka dhalatay dagaalka weli ka socdo dalka Yaman ayey qaramadda midoobay golaheed u qaabilsan xuquuqul insaanka sameeyeen gudi khubara ah oo soo baara tacadiyadda ka dhanka ah bani’aadannimadda eey geysteen garbaha ku dagaalamaayo dalka Yaman ee kala ah Xuutiyiinta iyo Isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga,gudiga ka socday qaramadda midoobay ee baarayey dhibka soo gaaray dadka rayidka ah ee reer Yaman ayaa waxaa ka dhammaaday waqtigii loogu talgalay ineey ku soo qabtaan hawshooda baaritaanka ah,waxaane dhacday in wadamo ka tirsan yurubta galbeed iyo dalka kanada ineey u ololeeyeen in gudiga loogu daro laba sano oo dheeri ah si eey u soo dhammaystiraan baaritaankooda,balse si uusan u guulaysan ololaha eey wadaan wadamadda yurubta galbeed ayey Boqortooyadda Sacuudiga oo kaashanayso wadamo eey ka mid yihiin Pakistan,Bangaladeesh,Liibiya iyo Indoniisiya waxa eey is hortaageen in loo codeyo in gudiga loogu daro laba sano oo dheeri ah si eey soo afjaraan baritaankood si hadhaw loogula xisaabtamo cidii eey wax ku cadaadaan garbaha Yaman isku haayo,golahaan xuquuqul insanka ee qaramadda midoobay ee la dhisay sannadkii 2006-dii ayaa waxa uu dabagalaa dembiyadda ka dhaca wadamadda uu ka dhaco dagaalka sokeeye waxa uuna go’aan ka garaa cidda dembiga gashay.XIGSHO DAILY SABAH.