DENMARK IYO JARMALKA OO DIB U SOO CELINAAYO..

41_2021-637691947095536384-553.jpeg

(DENMAR):Dalalka Jarmalka iyo Denmark ayaa go’aansaday ineey dalalkooda dib ugu soo celiyaan toban iyo kow dumar ah iyo sodon iyo shan caruur ah kuwaaso laga soo qaadaayo xero ku taalo Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya waxaane halkaas lagu hayaa dad lagu tuhmaayo ineey ka tirsanayeen kooxda Daacish ee ka dagaalamaysay Ciraaq iyo Suuriya balse laga itaal roonaaday.

Dalka Jarmalka waxa uu dib u soo celinaa labaatan iyo seddex caruur ah iyo sideed hooyo oo dhalay caruurtaas waxaane hooyooyinka iyo caruurta eey dhaleen kuligood laga soo qaaday xeradda Roj habeenimadii Arbacad(6/10/2021)-ka,halka uu dalka Denmark uu dib u soo celinaayo toban iyo afar caruur ah iyo seddex hooyo oo dhalay caruurtaas.XIGASHO WAKAALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

GUDIGII BAARAYEY TACADIYADII KA DHACAY DALKA YAMAN OO LA KALA DIRAY.

Next
Next

BOOLISK JARMALKA OO SAMEEYEY HAWLGAL KEDIS AH.