WEERAR CIRKA AH OO LAGU DILAY 27- DAGAALYAHAN OO…
DIYAARADAHA DRONES-KA EE MARAYKANKA.
(SOMALIA)-Ciidamadda dalka Maraykanka ee ka hawlgala Qaaradda Afrika(AFRICAM) ayaa weerar cirka ah waxa eey ka fuliyeen Gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya waxaane weerarkaas lagu dilay Maleehsiyaad u dagaalamayey kooxda Alshabaab sidaasne waxaa lagu sheegay war ka soo baxay ciidamadda mileteriga dalkaasi Maraykanka.Weerarka cirka eey qaadeen ciidamadda dalka Maraykanka ayaa waxa uu dhacay 18/9/22-ka werarkaaso eey codsatay Dawaladda Federaalka Soomaaliyeed,waxane weerarka cirka ah lala beegsaday fariisimo eey leeyihiin kooxda Alshabaab kuwaaso si joogta ah looga soo weerari jiray ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed,weerarka cirka ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan maamulka Hirshabeelesida la sheegayane weerak ayaa wax ka soo gaarin dadka rayidka ah,waxaane sidaas lagu sheegay qoraal ka soo baxay ciidamadda Maraykanka ee ka hawlgala Qaaradda Afrika(AFRICAM) maanta oo Arbaca ah.
ISHA WARKA AA.