WAX KA OGOW MADAXDII KU DHIMATAY SHIL DIYAARADEED.
(SAWIR)-KA.MADAXDA CAALAMKA EE KU DHIMATAY SHIL DIYAARADEED.
(DUBAI)-Shilka diyaaradeed ey Madaxweynaha Iraan Ebrahim Raysi iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Xuseen Amiir-Cabdollhiyaan ey shalay ku dhinteen iyaga iyo 7-qof oo kale,ayaan ahayn midda kaliya ee ka dhacday Duulimaadyadda sida caadiga ah. Sidoo kale waxay ahayd Agoon ka mid ah Madaxda iyo Madaxweynayaasha caalamka.Madax kale,taliyeyaal iyo Madaxweynayaal ayaa sidaan oo kale ku dhintay shilal diyaaradeed sannadihii la soo dhaafay. Waxaa laga yaabaa in dhacdooyinkaan ugu dambeeyey,ka hor inta aan la dilin Ebrahim Raysi ey dib u soo noqdeen dhawr bilood oo kaliya. Bishii Febraayo 6/2024-ka,Madaxweynihii hore ee dalka Chile,Sebastiano Pinera oo xilka Madaxtinimada qabtay 2010-kii muddo afar sano ah ka dibne soo laabtay oo la wareegay jagada uu ka bedelay Michelle Bachelet intii u dhexeysay 2018-kii ilaa 2022-kii,ayaa ku dhintay shil diyaaradeed. Aaga Lago Rancho,oo loo tixgeliyo meel loo dalxiis tago waxayna ku taal qiyaastii 920-Kiilomitir meel Koonfur kaga beegan Santiago. Taariikhdu markey ahayd 10/4/2010-kii,diyaarad nuuceedu yahay Tupolev TU-154 oo ey la socdeen 96-Qof oo uu ku jiro Madaxweynihii Poland Lech Kaczynski oo ey wehliyaan saraakiil sarsare oo siyaasadeed iyo Mileteriga Poland ayaa burburtay xilli ey isku dayeysay iney ku degto garoonka diyaaradeed oo u dhaw Smolensk(Galbeedka Ruushka),iyadoo dhammaan ey dhinteen rakaabkii la socday diyaaradaas. Ka dib waxaa la ogaaday in shilku u dhacay sabab la xiriirta jawi xumo awgeed,waxaa kaloo la xusay iney jirto khaladaad ey sameeyeen duuliyeyaasha Poland iyo kormeerayaasha hawadda ee dalka Ruushka. Juulay-30/2005,Hogaamiyihii hore ee falaagadda Koonfurta Suudaan John Garang oo noqday Madaxweyne ku xigeenkii dalka Suudaan-ta Koonfureed ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ku dhacay diyaarad ka soo qaaday dalka Ugaandha. Madaxweynaha Macedonia Boris Trajkovski ayaa sidoo kale lala dilay 8-qof oo kale taariikhdu markeey ahayd Febaraay-2004-kii,ka dib markii diyaarad ey la socdeen ey ku burburtay Koonfurta Boosniya,xilli ey isu diyaarineysa iney ku degto Moster. Sidoo kale Taariikhdu markeey ahayd 6/4/1994-tii,diyaarad Falcon-50 ah oo ey la socdeen Madaxweyne Juvenal Habyarimana iyo dhigiisa Burundi Cyprian Ntaryamira ayaa lagu soo riday caasimadda Rwanda ee Kigaali ka dib markii lagu dhuftay hal gentaal oo lidka diyaaradaha ah. Weerarkaan ayaa markaas loo tixgeliyey ujeedka dambeeyo inuu ahaa Xasuuqii ka dhanka ahaa dadka laga tirada badan yahay ee Tutsiga kaaso ey ku dhinteen in ka badan 800-kun qofood sida ey Qaramadda Midoobe sheegtay. Dhanka Madaxweynaha Pakistan Zia Ul-Xaq waxa uu dhintay Agoosto/17/1986-dii,ka dib shil diyaaradeed oo ka dhacay meel u dhaw Bahawalbur(Bartmaha Bari ee Pakistan). Oktoobara/19/1986-dii,Madaxweynihii ugu horeeyey ee dalka Musambiiq Samora Michel ayaa la dilay isaga oo ey lasocdeen 24-qof oo kale,ka dib markii ey shil ku galeen diyaarad nuuceedu yahay Tupolev Tu-134 meel ku taalo Waqooyi-Bari ee dalka K/Afrika.
ISHA.WAKALADO.