MADAXWEYNAHA IRAAN OO RAQ IYO RUUX LAGU LA’AYAHAY.

(SAWIR)-KA.SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA EE DALKA IRAAN.

(TEHRAN-IRAN)-Sida aan waqti hore oo maanta ah aan idiinla wadaagnay in diyaarad nuuca Qumaatiga u kaca ah oo siday Madaxweynaha dalka Ibrahim Raisi la la’ayahay meel ey ku dambaysay,ciidamadda miletieriga, Booliska iyo Hayadda Bisha Cas ee dalka Iraan ayaan bilaabay baadi goobka diyaaradda la la’ayahay. Hadaba Golaha Wasiiradda ee dalka Iraan ayaa yeeshay fadhi deg deg ah ka dib shilkii diyaaradda ee uu saarnay Madaxweyne Ibrahim Raysi,Golaha ayaa shirkooda deg dega ah kaga arrinsaday dhibaatada ka dhalatay diyaaradda helikobtarka ah oo la xaqiijiyey iney ku dhacday Waqooyig-Galbeed ee dalka Iraan eyna la socdeen Madaxweyne Ibrhaim Raysi iyo xubno sare oo ka tirsan xukuumadiisa. Madaxweyne ku xigeenka dalka Iraan Maxamed Mokhbir ayaa shir gudoomiyey fadhiga ujeedkiisu ahaay in la abaabulo dhammaan awoodaha dawladda si loo soo helo diyaaraddii uu la socday Madaxweyne Ibrahim Raysi iyo wafdigiisii la socday ee Gobolka Waqooyi ee Gobolka Azerbajaan ee Iraan. Mokhber ayaa amar ku siiyey Wasiirka caafimaadka Bahram Einollahi iyo ku xigeenka Madaxa fulinta Muxsin Mansuuri iney u safraan Gobolka la aaminsan yahay in diyaaraddu ku dhacday si ey u kormeeraan hawlaha goobidda iyo samatabixinta aagaas. Horaantii maanta oo Axad ah,Madaxweyne Raysi waxa uu ka soo laabtay xaflad uu ku furaayey Biyo-xireenka Iraan ey la wadaagto Jamhuuriyadda Azerbajaan,markii ey diyaaradda Helikobtarka ah ku burburtay xilli ey degtay Gobolka Varzaqan. Tobaneeyo kooxood ayaa loo diray Gobolka si ey u soo helaan goobta uu shilku ka dhacay,hawlgalka baadigoobka ayaa weli socdo balse saraakiisha ayaa sheegay in cimiladda oo xun ey caqabad ku tahay dadaaladda socdo. Fadhigaan Deg Dega ah ee Golaha Wasiiradda dalka Iraan ayaa qabsoomay Caawa saacadu markeey ahayd 10:11-Habeenimo waqtiga dalka Iraan.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

WAX KA OGOW MADAXDII KU DHIMATAY SHIL DIYAARADEED.

Next
Next

21-DHALLINYARO OO CAAN KA AH TIKTKO-GA OO…