REYSUL WASAARAHA ISRA’IIL OO WAARN SOO QABASHO LOO JARAY.

(SAWIR)-KA.NETANYAHU.

(USA)-Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda (ICC) ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqay inuu dalbanaayo waaran qabasho oo ka dhan ah Reysul Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu iyo seddex Hogaamiye oo ka tirsan Xarakadda Xamaas kalana ah Yaxye Sinwaa,Maxamed Deyf iyo Ismaaciil Haniyah kuwaasoo lagu eedeyey dembiyo dagaal. Talaabadaan uu qaaday dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda Karim Khan ayaa sii go’odoomin doonto Isra’iil caalami ahaan waxayna kordhin doontaa cadaadiska maamulka Biden si ey ugu cadaadiyaan Netanyahu inuu joojiyo dagaalka Marinka Gaza. Waxaa kale oo ey kicin kartaa sharciga Kongrees-ka oo ka dhanka ah Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC). Tani waa markii ugu horeysay ey Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda (ICC) ey soo saarto amar lagu soo xiraayo saaxibka weyn ee Maraykanka, Sidoo kale waa markii ugu horeysay oo ey soo saarto warqad lagu soo xiraayo Hogaamiyaha dal Dimuqaraadi ah. Karim Khan ayaa bayaan uu soo saaray Isniinta maanta ah ku sheegay inuu dalbanaayo in la soo xiro Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca Yoav Gallant.

ISHA/AXISO.

SII AKHRI.

Previous
Previous

DALXIISAYAAL LAGU DILAY DALKA AFGAANISTAAN.

Next
Next

WAX KA OGOW MADAXDII KU DHIMATAY SHIL DIYAARADEED.