DALXIISAYAAL LAGU DILAY DALKA AFGAANISTAAN.

(SAWIR)-KA.AFGAANISTAAN.

(KABUL)-Kooxda Argagixisadda Daacish/ISIS ayaa sheegatay masuuliyadda weerar Jimcihii ka dhacay Gobolka Bamiyan ee bartamaha dalka Afgaanistaan,weerarkaas ayaa lagu dilay seddex dalxiisayaal oo u dhashay dalka Isbayn iyo hage Afgaanistaan ah. Kooxda Argagixisadda Daacish ayaa Axadii shalay ahayd bayaan ey soo dhigtay bartooda Telegaramka ku sheegtay in “Dagaalayahanadu rasaas ku fureen dad Masiixiyiin ah oo dalxiisayaal ah iyo saaxibadood oo shiica ah ah iyagoo wata Qorayga darandooriga u dhaca”. Dalxiisayaasha la dilay iyo hagaha u dhashay Afgaanistaan ayaa la toogta xilli ey wax ka iibsanaayeen suuq ku yaalo magaaladda Bamiya oo qiyaastii 180-KM dhanka Galbeed kaga beegan caasimadda Kabul. Horaantii Sabtidii la soo dhaafay,afhayeenka ku meel gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Taliban Cabdul Mateen Qaniee ayaa sheegay in ey xireen todobo tuhmane oo lala xiriirinaayo werrarka,sida ey sheegtay warbaahinta gudaha,afhayeen ayaa hadalkiisa raaciyey in weerarka ey ku dhaawacmeen afar Ajnabi ah iyo seddex reer Afgaanistaan ah. Buuraleyda Bamiya waxaa ku yaalo Xarunta Dhaxalka Adduunka ee UNESCO iyo haraaga laba taallo oo buur ah oo waa weyn,mid ka mid ah ayuu dhererkiisu dhan yahay ilaa 125-Feet(38)-Mitir iyo midka kale oo isna dhererkiisu yahay 180-feet ama (55)-Mitir. Kooxda talada Afgaanistaan qabsatay ee Taalibaan ayaa qarxisay 2001-dii waxaan dib u dayactiray koox ka socotay dalka Japan.

ISHA/AA.

Previous
Previous

AGAASIME SAMBALOOSHE OO SAMEYEY MAGACABIS IYO XIL KA QAADIS.

Next
Next

REYSUL WASAARAHA ISRA’IIL OO WAARN SOO QABASHO LOO JARAY.