WASIIRKA GANACSIGA IYO WARSHADAHA OO MUQDISHO KEENAY CALANKA…
(SAWIRKA)-SOOMALIYA OO KU BIIRTAY EAC.
(MUQDISHO)-Wararka ka imanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md.Xildhibaan Jibriil C/rashiid oo maalmihii la soo dhaafay safar sahqo ugu maqnaa dalka Tanzania ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka. Wasiirka ayaa maanta Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho ka soo dejiyey Calanka Ururka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika kaaso maalmo ka hor ey Soomalaiya si rasmi ugu biirtay ka dib markii ey soo dhammaystirtay shuruudihii u harsanaay ka mid noqoshada Ururka EAC. Wsaiir jibriil ayaa Afartii bishaan Maarso-2024-ka waxa uu Calanka dalka Soomaaliya iyo dukumintigii harsanaay ansixinta heshiiska ku biirista Ururka EAC ee Soomaaliya geeyey magaaladda Caruusha ee dalka Tanzania.
ISHA/CAASIMADDA.