SARAAKIIL KA SOCOTO TURKIGA OO SOO GAARAY MUQDISHO.

(SAWIRKA)-SHIR KA DHACAY WASAARADDA G/DHIGA.

(MUQDISHO)-Wararka inaga soo gaarayo caasimadda Muqdisho ee dalka Sooomaaliya ayaa sheegaayo in magaaladda ey maanta soo gaareen saraakiil kala duwan oo ka socday dalka Turkiga waxaane lagu soo dhaweeyey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ee magaaladda Muqdisho. Wasiirka Gaashaandhiga DFS Md.C/qaadir Maxamed Nuur ee uu wehliyo Taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim Sheekh Muxyadiin ayaa kulan kula qaatay Xarunta Taliska Ciidanka XDS wafdigii ka socday dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Ujeeddada safarkooda ee dalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dhismaha iyo qalabeynta ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo in la xoojiyo heshiiskii ey dhawaan wada galeen dalalka Soomaaliya iyo Turkiga kaaso ahaay heshiis difaac iyo dhaqaale. Shirkaan waxaa goobjoog ka haaay Taliyaha ciidamadda Badda Soomaaliyeed Admiraal Cabdi Warsame, Tailiyaha ciidanka Dhulka Gen.Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Mileteriga Soomaaliya.

ISHA/SNA RADIO.

Previous
Previous

RW-XAMSA OO AMRAY IN LA FASAXO RAKAABKA.

Next
Next

WASIIRKA GANACSIGA IYO WARSHADAHA OO MUQDISHO KEENAY CALANKA…