RW-XAMSA OO AMRAY IN LA FASAXO RAKAABKA.

(SAWIRKA)-RW-XAMSA OO GARAYA GAROONKA ADEN CADDE.

(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxa uu muran xoogan oo isa soo taraayey uu u dhexeeyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ee DFS iyo Gudiga maamulo shirkadaha Diyaaradaha ka shaqeeyo dalka Soomaaliya,sida ey sheegeen gudiga ka socday shirkadaha diyaaradaha dalka Soomaaliya waxaa lagu soo rogay amar ey rakaabka kaga qaadayaan lacag dhan ilaa sagaal doolar($9) marka ey ka baxayaan iyo marka ey soo geleyaan dalka Soomaaliya,gudiga ayaa intaa raaciyey in laga dalbaday iney Macluumaadka rakaabka raacaayo diyaaradaha dalka Soomaaliya ey usoo gudbiyaan shirkad gaar ah oo lagu magacaabo HORNLINK,arrintaan ayaa waxaa dhinac ka ah Wasaaradda Amniga Qaranka oo Gudiga maamulo shirkadaha diyaaradaha dalka Soomaaliya ka dalbaday iney u soo gudbiyaan macluumaadka rakaabka dalka Soomaaliya imaanayo iyo kuwa ka baxaayo. Labadii maalmood shalay iyo maanta waxaa hakad uu ku yimid duulimaadyadda dalka gudihiisa ah sababo la xiriiro khilaafka ka dhex taagan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS iyo gudiga maamul shirkadaha diyaaradaha,arrintaan ayaa waxaa soo fargeliyey Gudiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka ee BJFS,gudiga ayaa la fariistay labada dhinac ka dib markii ey dacwad ka soo gaartay Gudiga maamulo shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya,waxa uuna gudiga sheegay in la gaaray xal ku meel gaar ah dibne la isaga arki doono arrintaan cakiran,dhinaca kale, RW-Xamse Cabdi Barre ayaa isna booqasho ku tegay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho maanta oo Arbaca ah waxa uuna halkasi kula kulmay dadkii shacabka ahaay ee ku dhibaateysnaay gudaha Garoonka waxa uuna amray in dadka shacabka loo fasaxo safarkooda wixii jirana la isaga yimaado. Qoraal hadda ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa lagu sheegay in shirkadaha ey u hogaansami waayeen amaradda Wasaaradda gaar ahaan iney soo gudbiyaan Macluumaadka rakaabka raacaayo diyaaradaha dalka Soomaaliya taasine ey u sabab tahay wixii dhacay shalay iyo maanta,Wasaaradda ayaa raaligelin siisay shacabka Soomaaliyeed ee dhibtu ka soo gaartay khilaafka jiray labadii maalmood.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

NORWAY OO SOOMAALIYA BALAN QAAD U SAMEYSAY.

Next
Next

SARAAKIIL KA SOCOTO TURKIGA OO SOO GAARAY MUQDISHO.