NORWAY OO SOOMAALIYA BALAN QAAD U SAMEYSAY.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO WASIIR ANDREAS.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Norway Md.Andreas Kravik oo booqasho ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Kulanka labada Masuul ayaa looga hadlay xiriirka labada dal,iskaashiga dhinacyada horumarinta,Amniga,la dagaalanka Argagixisadda iyo xasilinta degaanadda Argagixisadda laga xoreeyey. MW-Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dawaladda Norway taageeradda ey la garab taagan tahay dalka Soomaaliya,dadaaladda lagu xoojinaayo Amniga iyo dawlad dhiska. Sidoo kale MW-Xasan Sheekh waxa uu dawladda Nowray ku booriyey iney sii kordhiso doorka ey ka qaadato horumarinta,wax ka qabashada saameynta isbedelka cimiladda,xasiloonidda Soomaaliya iyo Gobolka. Dhankkisa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Norway ayaa bogaadiyey horumarka dawladda ey ku talaabsatay gaar ahaan Amniga iyo dawlad dhiska,isagoo xusay in dalka Norway ey sii wadi doonto taageerada iyo garab istaaga dawladda.

ISHA/VILLA SOMALIA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIR LOOGA HADLAY…

Next
Next

RW-XAMSA OO AMRAY IN LA FASAXO RAKAABKA.