WASIIR XOOSH OO LA KULMAY ODAYAASHA DHAQANKA SOOM..
(SAWIRKA)-WASAARADDA ARRIMAHA IYO ODAYAASHA DHAQANKA.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Cali Yusuf Cali(Xoosh) uu maanta Xarunta Wasaaradda ku martigeliyey Odayaash dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta ah. Kulanka oo sidoo kale uu qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md.Caydaruus Macallin ayaa ugu horeyn Wasiir Cali Xoosh waxa uu Odayaasha Dhaqanka warbixin ka siiyey Seddexda Xeer ee Doorashada ee Baarlamaanku Ansixiyey kalana ah: (1)-Xeerka Dhisida Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. (2)-Xeerka Ururadda iyo Xisbiyadda Siyasadeed ee Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya. (3)-Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isaga oo ku dheeraaday heerarka ey soo mareen,waxa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ey mar walba hormuud ka yihiin hagidda bulshada. Dhankooda Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageeray Xeerarkaas Doorashada ee Baarlamaanku Ansixiyey,iyagoo intaas raaciyey in isbedelkaasi uu yahay horusocod wanaagsan,taasine ey ku garab taagan yihiin. Odayaasha ayaa tallaabo muhiim ah oo taageero mudan ku tilmaamay in shacabka loo celiyo codkooda iyaga oo ka dalbaday Ummadda Soomaaliyeed iney u diyaar garoobaan iney si toos ah u doortaan dadkii meteli lahaa,doorashada Qof iyo Cod ahne ey tahay cadaalad la iska dhex arkaayo.
ISHA-SNTV.