BJFS OO ANSIXIYEY GUDIGA DOORASHOOYINKA IYO SOOHDIMAHA.

(SAWIRKA)-GOLAHA SHACABKA.

(MUQDISHO)-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah kuna beegan 27/11/2024-ka yeeshay kulankoodii 11-aad ee Wadajirka ah ee Kalfadhiga 5-aad ee BJFS, kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray 175-Xildhibaan oo labada Aqal ah. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Adan Maddobe oo uu wehliyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Md.Cabdi Xaashi C/laahi iyo ku Xigeenadda labada Aqal. Ajandaha kulanka wadajirka ah ayaa ahaa Ansixinta Xubnaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,waxaane Xildhibaanadda oo cod u qaaday ogolaatay 169-Xildibaan,waxaane diiday lix Xildhibaan mana jirin cid ka aamustay codeynta sida uu sheegay Gudomyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe. Ugu dambeyntii xubnaha Gudiga oo ka kooban 18-Xubnood ayaa kulanka lagu dhaariyey,waxaane Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Adan Madoobe oo kulanka soo xiray uu u mahad celiyey Xildhibaanadda labada aqal ee BJFS ansixinta shuruucda muhiimka ah in dalka ey ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah. Dhinaca kale, gudaha Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ayaa waxaa ka dhacday shaqaaqo ey abuureen Xildhbaano ka soo jeedo Maamulka Jubaland kuwaaso diidanaay in Gudiga Doorashooyinka la Ansixiyo dabadeedna la dhaariyo, Xildhibaanadda abuuray buuqa ayaa tira ahaan dhamaa ilaa 8-Xildhibaan eyna hogaaminaayeen Xildhibaan Jire iyo Xildhibaan Xasan Firimbi kuwaaso markii dambe isugu tegay dilayne askeri ilaalo ka ah Xarunta Golaha Shacabka sida laga daawaday Tv-yada maxaliga ah. Arrintaan ayaa goor dhaw waxaa war lala wadaagay Saxaafadda ka soo saaray taliyaha Booliska Soomaaliyeed Gen.Asad C/laahi Diyaano, taliyaha ayaa sheegay in Xildhibaankii dilay askeriga Booliska ah iyo kan ku kaalmeyeyba labada lala tiigsan doono sharciga dalka.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.

HALKAN KA DAWO VIDEO-GA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO QEYBGASHAY SHIRKA DOOXA.

Next
Next

WASIIR XOOSH OO LA KULMAY ODAYAASHA DHAQANKA SOOM..