GUDIGA MADAXA BANAAN EE DOORASHOOYINKA OO LA MAGAC…
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA XFS.
(MUQDISHO)-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caaw yeeshay kulan deg-deg ah ayaa Ansixiyey Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha waa Gudi Qaran oo dastuuri ah wuxuuna masuul ka yahay Maamulidda Doorashooyinka Heerarka kala duwan ee dalka iyo in ey hirgeliyaan Doorashooyin Qof iyo cod ah oo hufan. Shirka Golaha Wasiiradda ee XFS ayaa waxaa shir Gudoomiyey Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMd.Xamse Cabdi Barre,waxa uuna sheeegay in Xukuumadda Danqaran ey ka go’an tahay in shacabka loo soo celiyo xaqa ey u leeyihiin iney doortaan cidda hogaamineysa. Xubnaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa ey kala yihiin:
(1)-C/kariim Axmed Xasan
(2)-Saadiq Abshir Garaad.
(3)-Avv.Maxamed C/raxmaan Aadan.
(4)-Yuusuf C/qaadir Maxamed-Baafo
(5)-Cumar Abuukar Cumar.
(6)-Farxiyo Maxamed Yuusuf.
(7)-Dr.Cumar Jaamac Maxamed.
(8)-Faarax Cabdi Maxamed.
(9)-Sahra Diiriye Muuse.
(10)-C/laahi Salaad Yaraw.
(11)-Maxamed-Amiin Xasan C/laahi.
(12)-Cabdi Cadaw Maxamed.
(13)-C/shakuur Abiib Xayir.
(14)-Khaalid Ibraahim Ismaaciil.
(15)-Aamina Sh.Cusmaan Maxamed.
(16)-Naasir Maxamed Shire.
(17)-C/raxiim C/laahi Shaafici.
(18)-Maxamed Cumar Ismaaciil.
ISHA-OPM.