GUD.MADAALE OO MAMNUUCAY ISTICMAALKA MOOTADA FEKONKA.
(SAWIRKA)-BANAANBAX KA DHACAY MUQDISHO.
(MUQDISHO)-Gudooomiyaha Gobolka Banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka qeybgalay isku soo bax balaaran ey bulshada caasimadda Muqdisho degan ku taageereyso Go’aanka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ey ku meel mariyeen Xeerarka Doorashooyinka,Xisbiyadda iyo Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha dalka. Taalada daljirka Daahsoon ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa isugu soo baxay kumanaan dad ah kana kala yimid daafaha caasimadda Muqdisho kuwaaso cod dheer ku taageeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda DanQaran ee dalka u jiheeyey inuu aado Doorasho Qof iyo Cod ah si mawaadinka Soomaaliyeed u helo xuquuqdiisa Dastuuriga ah ee uu ku dooran karo Madaxda dalka. Duqa Muqdisho MD.Madaale ayaa shacabka ugu baaqay isku duubni iyo in lagu kalsoonaado Doorashada Qofka iyo Codka ah si mawaadin kasta uu u dhiibto codkiisa. dhinaca kale, Gudoomiye Madaale ayaa sheegay in magaaladda Muqdisho gudaheeda ey mamnuuc ka tahay in Mooto FEKON lagu qaado Dumarka,ciddii arrinkaas sameysana ey muteysan doonto ciqaab ah in Mootada lagala wareego iyo qofkii saarnaayne Xabsiga la dhigo,waane arrin waxa weyn ka tari doonto Anshaxa bulshada Gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay la arkaayey gabdho nimanka dhexda uga dhegan iyagoo wada saaran Mooto Fekonka. Isu soo baxa maanta ka dhacay Daljirka Daahsoon ayaa waxaa goobjoog ka ahaay Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/banaadir Yabooh,Gudoomiyeyaasha degmooyinka G/banaadir,Madaxda Ururada dhallinyarada,Haweenka iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada degan caasimadda Muqdisho.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.