WASIIR MAAREEYE OO KA QEYBGALAY SHIRKA 17-AAD.

(SAWIRKA)-WASIIRADDA BEERAHA ADDUUNKA.

(BERLIN)-Caasimadda dalka Jarmalka ee Berlin ayaa waxaa ka furmay shir ey sannadkiiba mar isugu yimaadiin Wasiiradda Beeraha ee Wadamadda Caalamka,shirka sannadkaan 2025-ka ayaa ahaa midkii 17-aad waxaane ka soo qeybgalay ilaa 70-Wasiir oo dhinaca Beeraha ah iyo 20-Wakiil Sare oo ka socdo Hayaddo Caalami ah,waxaane looga hadlay afar mawduuc oo udub dhexaad u ah dhaqaalaha Noolaha ee sannadkan 2025-ka,waxaane lagu martiqaaday dad gaaraayo ilaa laba kun qofood. Ajendaha shirka 17-aad ayaa ka kooban ilaa afar qodo oo muhiim ah kalana ah: (1)-Xallinta isku dhacyadda danaha. (2)-Xaqiijinta Sugnaanta Cuntada Adduunka. (3)-Kor u qaadista Isgaarsiinta. (4)-Ka faa’iideysiga Isbedeladda. Shirka 17-aad ayaa waxa uu soo bilawday 15-kii bishaan Janaayo/2025-ka waxa uuna ku eg yahay 18-ka bishaan Janaayo oo ah maanta. Wasiirka Beeraha ee XFS Md.Maxamed Cabdi Xayir’Maareeye” iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa ku metelaayey dalka Soomaaliya shirka 17-aad ee Berlin,Wasiiirka ayaa kulamo doceedyo waxa la yeeshay Wasiiradda dhigiisa ah kana soo qeybgalay shirka,kulanadaas ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Beeraha dalka Soomaaliya iyo Caqabadaha haysta iyo dadaaladda lagu horumarin karo beeraha dalka Soomaaliya.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

MW-Dr.XASAN SHEEKH OO TEGAY XARUNTA G/DHIGA.

Next
Next

ITOOBIYA MAKA MID NOQN KARTAA AUSSOM?