ITOOBIYA MAKA MID NOQN KARTAA AUSSOM?

(SAWIRKA)-MW-RUTO IYO MADAXDA SIRDOONKA KENYA IYO ITOOBIYA.

(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaayo in Agaasimaha Guud ee Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka NISS Amb.Redwan Xuseen ayaa dhambaal uu ka siday Reysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed u gudbiyey Madaxweynaha Ugaandha Yoweri Museveni iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto. Madaxweynaha dalka Kenya Md.Ruto ayaa sheegay in caqabadaha dhanka Amaanka sida Argagixisada iyo Dembiyadda Abaabulan ey u baahan yihiin dadaallo iskaashi oo dhexmara dalalka Gobolka Geeska Afrika. Qoraal ka soobaxay Hayadda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Itoobiya ee NISS eyna u dirtay Wakaaladda Rasmiga ah ee Wararka u faafisa dalka Itoobiya ee ENA ayey NISS ku sheegtay in Danjire Redwan Xuseen uu Reysal Wasaare Abiy uu u gudbiyey mahadnaq labada Hogaamiye Museveni iyo Ruto ee ku aadan doorka wax ku oolka ah ey ka qaadanayaan xoojinta deris wanaaga iyo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika,iyo sidoo kale mawqofkooda wanaagsan ee ku aadan in Itoobiya ey hesho Bad. Labada Madaxweyne ee Ugandha iyo Kenya ayaa qiray doorka muhiimka ah oo ey Itoobiya ka qaadatay Nabadeynta iyo Xasillinta dalka Soomaaliya iyo dalalka kale ee hoos yimaado Qaramada Midoobe,Midawga Afrika iyo awoodeeda. Waxay sidoo kale sheegeen iney ku faraxsan yihiin doorka muuqda ee uu Reysal Wasaare Abiy Axmed ka qaatay hawshaan. Madaxweynayaasha Ugaandha iyo Kenya ayaa sidoo kale muujiyeen taageeradda iyo kalsoonidda ey ku qabaan in Itoobiya ey sii xoojin doonto doorkeeda muhiimka ah ee nabadeynta Soomaaliya iyo la dagaalanka Argagixisadda. Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa muujiyey sida uu u taageersan yahay dadaaladda Reysal Wasaare Abiy Axmed ee lagu xoojinaayo iskaashiga dhinacyadda badan leh ee labada dal iyo sidoo kale in nabad iyo barwaaqo ey ka dhalato Itoobiya. Laamaha Amniga iyo sirdoonka dalka Kenya ayaa la faray iney la shaqeeyaan dhigooda dalka Itoobiya sida uu tilmaamay Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto. Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in caqabadaha dhanka Amaanka ah sida Argagixisada iyo Dembiyadda Abaabulan ey u baahan yihiin dadaalo iskaashi oo dhexmara Wadamadda Geeska Afrika. Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta X maanta,inuu kala hadlay Amniga Gobolka Agaasimaha Nabad Sugidda Qaranka Itoobiya Amb.Redwan Xuseen. Kenya waxa ey balan qaaday iney la shaqeyneyso Saaxibadda iyo Caalamka si loo soo dabaalo xasilooni, ayuu hadalkiisa raaciyey MW-Ruto.

ISHA-ENA.

Previous
Previous

WASIIR MAAREEYE OO KA QEYBGALAY SHIRKA 17-AAD.

Next
Next

ISRA’IIL OO AAN WELI JOOJIN DUQEYNTA GAZA.