ISRA’IIL OO AAN WELI JOOJIN DUQEYNTA GAZA.

(SAWIRKA)JAANTUUSKA MUUJINAAYO DILKII DHACAY.

(GAZA)-Dagaalka Marinka Gaza una dhexeeyo xoogaga Xamaas iyo Ciidamadda Difaac Isra’iil ayaa ah mid soo bilawday taariikhdu markeey ahayd 7/10/2023-kii taaso hadda laga joog ilaa 15-bilood ama sannad iyo seddex bilood,dagaalkan ayaa galaaftay nafta dad aad u fara badan oo reer Falastiin ah waxaane tiradooda lagu qiyaasa ilaa 46,985-qofood una badan Caruuru iyo Dumar halka ey ku dhaawacmeen dad gaaraayo 111-kun qofood oo kale sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza. Hadaba Arbacadii la soo dhaafay bish Janaayo ey ahayd 15-ka ayaa caasimada dalka Qadar ee Dooxa waxaa lagu gaaray heshiis Xabad joojin ah iyo in la is dhaafsado Maxaabiista labada dhinac ey kala haystaan,Heshiiskaan ayaa waxaa garwadeeno ka ahaa dalalka Qadar,Masar iyo Maraykanka. Isra’iil oo ka faa’iideysaneysa Xabad joojinta sida buuxda u dhaqan geleysa Axada 19-ka bishan-2025-ka ayaan joojin weerarkeedii dhianaca cirka,waxa eyna dishay ilaa 123-Qof kuwaaso ugu yaraan 33-ka mid ah ey yhiin Caruur,33-kalane ey yihiin Dumar,waxa eyna dhaawacday tiro dhan ilaa 270-Qofood tan iyo markii lagu dhawaaqay Xabad joojinta 15-kii Janaayo 2025-ka.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

ITOOBIYA MAKA MID NOQN KARTAA AUSSOM?

Next
Next

IRAAN OO LAGU DILAY LABA GARSOORE OO…