MW-Dr.XASAN SHEEKH OO TEGAY XARUNTA G/DHIGA.

(SAWIRKA)-SHIRKII WASAARADDA G/DHIGA.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu kormeer shaqo ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee XFS, waxa uuna halkaasi kulamo mira dhal ah kula soo yeeshsy Wasiirul Dawlaha Wasaaradda G/Dhiga ee XFS Md.Cumar Cali Cabdi iyo Taiyeyaasha Ciidamadda Qalabka Sida oo ka mid ahaayeen Taliye Odawaa Yuusuf Raage,Taliye C/laahi Maxamed Cali”Sambalooshe” iyo Taliyaha Ciidamadda Lugta ee XDS,waxa uuna MW-Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ka dhegeystay warbixino ku saabsan xaaladda Guud ee Amniga dalka,dagaalka lagula jiro Argagixisada iyo sidii loo sii xoojin lahaa,isagoo ku bogaadiyey dadaaladda geesinimada iyo naf-hurnimada leh oo ey muujiyeen halyeyada Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed. In shirkaan uu qabso ayaa wxaa u sabab ah in la doonaayo dib boorka looga jafo dagaalkii looga soo horjeeday Argagixisada Alshabaab kaaso dhawaanahaan uu galay kahad.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA OO KA HADLAY…

Next
Next

WASIIR MAAREEYE OO KA QEYBGALAY SHIRKA 17-AAD.