GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA OO KA HADLAY…

(SAWIRKA)-GUDOOMIYE C/KARIIM AXMED XASAN.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Md.C/karim Axmed Xasan ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu shir Jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho,waxa uuna halkaasi kaga dhawaaqay in Gudigu uu bilaabay diiwaangelinta Ururadda Siyaasadda ee dalka,waxa uuna Md.C/kariim sheegay iney is diiwaan geliyeen ku dhawaad 110-Urur Siyaasadeed,kuwa kalane la siiyey fursad ey isku diiwaan geliyaan kuna eg Bisha Maarso-2025-ka. Gudiga ayaa sidoo kale sheegay tirada Goobaha loo asteeyey iney ka dhacaan Doorashooyinka kuwaaso ilaa hadda ah 300-Goobood,waxa uuna sheegay Gudiga in Goobaha Cod bixinta la gaarsiin ilaa 800-Goobood. Gudiga Doorashooyinka Madaxa banaan ayaa shaaciyey Jadwalka Doorashada Qeybaha hore ee Rubaca 1-aad ee sannadkan 2025-ka. Waa dadaal Muuqdo ey wado Dawladda Federaalka Soomaaliya balse ey ku dhegan yihiin dad fara badan oo Soomaali ah kuwaaso aan rabin in dalka Soomaaliya ey ka dhacdo Doorasho dadka shacabka ah ey ku soo doortaan cidda ey iyagu rabaan si ey ula xisaabtamaan.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

RW-SAALAX AXMED JAAMAC OO KORMMERAY..

Next
Next

MW-Dr.XASAN SHEEKH OO TEGAY XARUNTA G/DHIGA.