WASIIR ISKA CASILAY DAWLADDA PUNTLAND.

(SAWIRKA)WASIIR FAROOLE.

(GARAWE)-Warar iminka inaga soo gaaray caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Wasiirkii Qorsheynta ee maamulka Puntland Md.Maxamed Siciid Faroole uu si rasmi ah u shaaciyey inuu gebi ahaanba xilkii uu u haayey dawladda Puntland uu iska Casilay. Waa Wasiirkii ugu horeeyey kana tirsan xukuumadda uu hogaamiyo MW-Deni oo si rasmi ah u shaaciyey inuu isaga tegay xilkii Wasiirnimo ee uu magacaabay MW-Deni sidoo kale Wasiirkan ayaa waxa uu iska casilay Xubinimadii Xisbiga MW-Deni ee KAAH 23/12/23-KA. Arrinta iscasilaada ee Wasiir Faroole ayaa ku soo aadeyso ayadoo Puntland ey ka taagan tahay ismari waa dhinaca doorashada ah una dhexeeyo Mucaaradka iyo Xukuumadda Deni,qodobka ugu culus ee ilaa hadda taagan ayaa ah 17-Xildhibaan ee ka soo jeedo SSC-Khatumo miyey qeyb ka yihiin Xildhibaanada cusub ee maamulka Puntland mase kama mid ah,MW-Deni iyo kooxdiisa ayaa ku doodaayo waa ka mid halka Mucaaradku leeyahay kama mid ah,waxa eyna u dhawdahay in Mucaaradku ku guulaysan doono waayo Isimadda SSC-khatumo ayaa cadeeyey mawqifkooda ku aadan 17-Xildhibaan ee ka imaanayo SSC-Khatumo.

ISHA/PP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

HAKAD KU YIMID TARTANKA MAAMUL GOBOLEEDYADA.

Next
Next

QOYS SURIYAAN AH OO DAHAB KA DHACAY SOOMAALIYA.