QOYS SURIYAAN AH OO DAHAB KA DHACAY SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-QOYS SURIYAAN AH OO DHAC KA GAYSTAY MUQDISHO IYO GARAWE LANA QABTAY.

(GARAWE)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada si aad ah looga hadal haayey Qoys u dhashay dalka Suriya oo dhac ba’an oo loo adeegsaday INDHA SARCAAD u gaystay Gabdho Soomaaliyeed oo ka ganacsada Dahabka kuna sugan degmada X/weyne ee Gbanaadir,marka hore Qoyskan Suriyanka ah kana kooban Aabe,Hooyo iyo laba caruur ah ey dhaleen ayaa kala ah Aabe C/karin Axmed Al-Muxamad Hooyo Jamiila Qaasim Yuusuf,caruurta ayaa kala Cabadalla C/karin iyo Malaay C/karin. Qoyskan ayaa maalintii Jimcaha ee ina soo dhaaftay 22/12/23-KA waxa ey Muqdisho ka soo dheceen Dahab gaarayo ilaa 940-Gram waxa eyna u duuleen maamulka Puntland maalintii Sabtida ey taariikhdu ahayd 23/12/23-ka isla magaaladda Garawe waxa ey dhac kale ugu gaysteen Ganacsato kale oo iibisa Dahabka waxa ey ka qaateen Dahab dhan 100-Gram waxa eyna baabuur u kireysteen magaaladda Qardho waane halkaasi halka laga soo qabtay Qoyskaan u dhashay Suriya ee dadka ku dhacaayey Indha Sarcaadinta,waxa eyna hadda ku jiraan gacanta hayadaha amaanka ee maamulka Puntland waxaane la horkeeni doonaa cadaaladda,arrintan ayaa ah mid ugub ku ah gudaha dalka Soomaaliya oo waa markii ugu horeysay uu qof Ajnabi ah dhac farsameysan ka gaysto gudaha dalka Soomaaliya.

ISHA/SBMEDIA.

Previous
Previous

WASIIR ISKA CASILAY DAWLADDA PUNTLAND.

Next
Next

WAA KUWEE MASUULIYIINTA DHULBAHANTE EE DIIDAY…