HAKAD KU YIMID TARTANKA MAAMUL GOBOLEEDYADA.

(QPRAALKA KA SOO BAXAY XOGHAYAHA XKCS).

(MUQDISHO)-WAR DEG DEG AH: War iminka inaga soo gaaray Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa sheegaayo in hakad la geliyey Tartanka Cayaarta Kubadda Cagta ee Maamul Goboeedyada(Galmudug,H/shabeele,K/galbeed iyo J/laand) iyo G/banaadir muddo dhan laba maalmood ayadoo la cayaari doono kuanka ugu horeeyo 1/1/24-ka,waxa uuna Xiriirku sheegay inuu shacabka la soo wadaagi doono Jadwalka Cusub ee Tartanka Cayaaraha Kubadda Cagta ee Maamuladda Goboleedyada iyo G/Banaadi ee sannadkan 2023-ka. Tartanka Cayaarta Kubadda Cagta ee Maamuladda Goboleedyada iyo G/Banaadir ayaa waxaa maanta Garoonka Stadium Muqdisho si rasmi ah uga furay RW-Xamsa Cabdi Barre oo ey wehliyaan Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xildhibaan Maxamed Barre iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah Duqa caasimaddq Muqdisho Md.Sheekh Yuusuf Madaale. Kulankii ugu horeeyey ee lagu tartanka tartanka ayaa waxaa isaga horyimid labada xul ee kala ah Galmudug iyo Hirshabeele waxa uuna kulanka ku soo dhammaaday(1-1),waxaane goolka ku hormaray Galmudug ka dib markii loo dhigay Rigoore balse H/shabeele ayaa keensatay goolki barbardhaca.

ISHA/SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

NIN ISKU DAYEY INU KU BIIRO ALSHABAAB OO LA QABTAY.

Next
Next

WASIIR ISKA CASILAY DAWLADDA PUNTLAND.