WASIIR HORE OO TALYAANI AH OO DACWAD…
(SAWIRKA)-SALVINI.
(PALERMO-IT)-Hogaamiyaha Midigta Fog ayaa dafiray Eedeynaha ku saaabsan ku tagri falka Xafiiska iyo Xoriyada laga qaaday 147-Muhaajiriin ah oo la socday Markabka Samafalka ee OPEN ARMS bishii Agoosto-2019-kii,markaas oo uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawaladii hore ee dalka Talyaaniga. Laakinse markii uu yimid Maxkamadda Palermo ee Sishilya,saxafiyiin badan ey ku soo gadaanmeen,Salvini waxa uu difaacay ficilkiisa wuxuuna sheegay inuu mar kale sameyn doono. “Waxaan la dagaalamay socdaalka tirada badan iyo xukun kasta,aniga maanta waxay ii tahay maalin qurux badan,sabbato ah waxaan ku faanayaa inaan difaacay dalkeyga” ayuu yiri Salvini. Salvini,oo Xisbigiisa League uu saaxib la yahay Isbahaysiga Reysal Wasaare Giorgia Meloni ayaa diiday in Markabka uu ka dejiyo Muhaajiriinta uu ka soo qaaday badda Miditereeniyaanka. Xiisadda ayaa socotay muddo dhan seddex todobaad waxa eyna saameysay warbaahinta Caalamiga ah,iyadoo wadamadda kale ee ka tirsan Midawga Yurub ey soo bandhigeen iney qaadaan Muhaajiriinta,kooxo bani’adanimada ee miisaamaya iyo xitaa Jilaaga Hollywood Richard Gere ayaa si wadajir ah u booqday Markabka.
ISHA-RFI.