TIRADA DADKA TAHRIIBKA OO YARAATAY.

(SAWIRKA)-ASKARTA ILAALISA XUDUUDYADDA.

(USA)-Hayadda Socdaalka iyo Kastamyada dalka Maraykanka ayaa in ka badan 270-kun qofood u kala tarxiishay ilaa 192--Wadan muddo laba iyo toban bilood ah,taaso ah tiradii ugu badneed ee sannadle ah tobankii sano ee la soo dhaafay sida lagu sheegay Warbixin la sii daayey Khamiistii shalay. Arrintaan ayaa muujineysa qaar ka mid ah caqabadaha maaliyadeed iyo kuwa shaqo ee Madaxweynaha la doortay Donald Trump uu wajihi doono si uu u fuliyo balan qaadkiisii ahaa musaafurinta dad aad u badan.Hayadda ICE,oo ah Hayadda ugu weyn ee Dawladda Maraykanka uga masuulka ah saaridda dadka sida sharci darada ah dalka Maraykanka ku soo galay ayaa sheegtay in 271,484-qofood la masaafuriyey sannad Maaliyadeedkii dhammaaday sodonkii Sebtembar,ku dhawaad labanlaab marka loo eego 142,580-qofood dalka laga saaray mudadaas sannad ka hor(2023). Waxay ahayd tiradii ugu badneed oo dad ah oo laga musaafuriyey dalka Maraykanka tan iyo sannadkii 2014-kii markaaso Hayadda ICE dalka ka saartay 315,943-qofood. Tiradii ugu badneed ee mudadii hore ee uu xilka haayey Trump waxay ahayd 267,258-qofood sannadkii 2019-kii. Duulimaadyada masaafurinta ee kordhay,oo ey ku jiraan maalmaha fasaxa ah,iyo habraaca safarka ee dadka loo diro Guatemala,Hunduras iyo El-salvador ayaa sare u sii qaaday hawlha masaafurinta sida ey sheegtay Hayadda ICE. Hayaddu waxay duulimaadkeedii ugu horeeyey ey ku tagtay dalka Shiinaha muddo lix sano ah,waxayna sidoo kale diyaaraduhu ku hakadeen Albaniya,Angola,Masar,Georgia,Gaana,Guinea,Hindiya Muritaniya,Roomaniya,Sinigaal,Tajakistaan iyo Uzbakistan. Sidoo kale Khamiistii shalay ahayd,Hayadda Kastamyada iyo Xuduudyada dalka Maraykanka ayaa sheegtay iney xireen 46,612-qofood kuwaaso si sharci dara ah uga soo gudbay Xuduudka Meegsiko bishii Noofembar ee sannadkan-2024-ka,tani waxa ey hoos u dhacda 18% marka loo eego 56,526-qofood bil ka hor iyo in ka badan 80% marka loo eego heerkii ugu sareeyey abid 250-kun qofood bishii Disembar-2023-kii. Dadka ka soo gudbaayo Xuduuda ayaa hoos u dhacay kala bar ka dib markii Masuuliyiinta dalka Meeksiko ey kordhiyeen adkeynta ka soo gudbidda Xuduudahooda sannad ka hor.

ISHA-VOA.

Previous
Previous

WASIIR HORE OO TALYAANI AH OO DACWAD…

Next
Next

BURCAD BADEED SOOMALIYEED OO DALBADAY $10-MILYAN.