BURCAD BADEED SOOMALIYEED OO DALBADAY $10-MILYAN.

(SAWIRKA)-BURCAD BADEED LA SOO QABTAY.

(GARAWE)-Wararka laga helaayo caaasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Burcad Badeedii bishii hore ee Noofembar afduubtay Markab Kallumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo ey la socdeen shaqaale dhan 18-qof xeebaha Waqooyi-Bari ee dalka Soomaaliya,Burcadda ayaa dalbaday lacag Madax Furasha ah oo gaareysa ilaa $10-Milyan oo doolarka Maraykanka ah,sida ey sheegeen saraakiil Soomaaliya. Afduubayaasha ayaa baraha bulshada ku baahiyey sawiradda maxaabiista ey afduubteen eyna ku hareereysan yihiin rag si aad ah u hubeysan kuwaaso saaran sagxadda Markabka. Markabkaan ayaa la afduubay dabayaaqadii bishii Noofembar-2024-ka waxaane la geeyey degmada Xaafuun ee dawlad Goboleedka Puntland halkaaso lagu haysto Markabka iyo Shaqaalihii saarnaa,sarkaal ka tirsan DFS ayaa sheegay in Markabka la afduubay ey Puntland siisay Ruqsad uu kaga Kalluumeysto Xeebaha maamulkaas balse Ruqsadii Kalluumeysiga ahayd ee la bixiyey 2020-kii ayaa dhacday mana la cusbooneysiin. Ciidamada Midawga Yurub ee la dagaalanka Burcadd Badeeda EUNAV FOR ATLANTA ayaa todobaadkii hore dhacdadaan ku tilmaamay dhac ka dhacay Badda.

ISHA-VOA.

Previous
Previous

TIRADA DADKA TAHRIIBKA OO YARAATAY.

Next
Next

WASIIR FARTAAG OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY…