WASIIR FARTAAG OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY…

(SAWIRKA)-WASIIR FARTAAG.

(GARBAHAAREEY)-Wafdi balaaran uu hogaaminaayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaaladda caasimadda u ah Gobolka Gedo ee Garbahaarey, wafdiga ayaa ka kooban Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil heer sare ah. Ujeedka booqasada ee wafdigaan ayaa la xiriirto dardargelinta hawlaha Amniga ee Gobolka Gedo,xoojinta wada shaqeynta Hayadaha Amniga iyo Bulshada degaanka iyo qiimeynta xaaladaha guud ee nabadgelyadda ee magaaladda Garbahaareey. Wafdiga la socod Wasiir Fartaag ayaa lagu wadaa inuu kulamo muhiim ah la yeesho maamulka Gobolka,Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si looga wada shaqeeyo qorshayaasha Amniga iyo Horumarinta Gobolka Gedo. Kulamada ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda AL-shabaab. Wafdiga ka socday DFS ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyey magaaladda Garbahaareey iyadoo shacabka, maamulka Gobolka iyo kan degmadaba ey taageero xoogan u muujiyeen DFS. Dhinaca kale, DFS ayaa maanta ku guuleysatay iney xayiraad saarto Hub iyo Saanad fara badan oo Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe uga degi lahaa magaalooyinka Kismaayo iyo Baardheere,hubkaan loo diiday Diyaaradii waday iney ka degto Garoonada Degmooyinka Kismaayo iyo Baardheere ayaa laga soo qaaday degmadad Doolow ee Goblka Gedo,waxaane la sheegay in hubkaan ey dalka soo gelisay Dawladda Itoobiya ka hor inta aan la saxiixin heshiiskii Ankara. Waaxda Duulista Hawada ee DFS ayaa amartay in Diyaaradaha ka soo duula degmada Doolow ee G/Gedo iney soo maraan marka hore Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho ka dibne u gudbaan magaalooyinka kale ee ka tirsan Maamulka Jubaland. Talaabadaan ey qaaday DFS kuna saabsan hakinta diyaaradaha Doolow ka yimaada waxa ey dhabar jab xoogan ku tahay Hogaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

SNTV.

Previous
Previous

BURCAD BADEED SOOMALIYEED OO DALBADAY $10-MILYAN.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO TANZANIA OO KALA SAXIIXDAY…