SOOMAALIYA IYO TANZANIA OO KALA SAXIIXDAY…

(SAWIRKA)-MASUULIYIINTA SOOMAALIYA IYO TANZANIA.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxmud ayaa Xarunta Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dibadda Jamhuuriyadda Midawday ee Tanzaniya Md.Maxamud Thabit Kombo iyo wafdi uu hogaaminaayey oo safar shaqo ku joga dalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa Wasiir Maxamud ka gudoomay dhambaal iyo Salaan uu ka siday Madaxweynaha Dalka Tanzaniya Marwo Samiya Suluhu Xasan,isaga oo wafdiga la wadaagay ahmiyadda ey Soomaaliya u leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dawladood,gaar ahaan heshiisyadii dhawrka ahaa ee ey labada dal maanta ku kala saxiixdeen magalaada Muqdisho.Kulanka MW-Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdiga Tanzaniya waxaa ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan XFS Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzaniya ILyas iyo masuuliyiin kale kana kala socotay labada dhiac. Dhinaca kale,dawladaha Soomaaliya iyo Tanzaniya ayaa maanta magaaladda Muqdisho ku kal saxiixday heshiisyo Iskaashi kuna saabsan dhinacyada”Difaaca, Calaaqaadka,Dalxiiska, Caafimaadka iyo Waxbatashada”,waxaane heshiiskaan is-afgaradka ah kala saxiixday Wasaarado ka tirsan XFS una xilsaaran dhinacyadaas iyo masuuliyiin ka socotay dalka Tanzaniya kuwaaso hadda ku sugan magaaladda Muqdisho. Dhinaca DFS waxaa heshiiskaan u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md.Danjire Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka G/dhiga XFS Md.C/qaadir Maxamed Nur, Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS Md.Da’uud Aweys Jamac iyo Wasiirka Caafimaadka ee XFS Md.Dr.Cali Xaaji Aden. Wafdiga dalka Tanzaniya ee saxiixa heshiiskaan Muqdisho u yimid waxaa hogaaminaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Tanzaniya Md.Maxamud Thabit Kombo,waxaane qeyb ka ahaay Wasaiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Pindi Hazara, Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka Tanzaniya Dr.Godwin Mollel iyo Taliyaha ku xigeenka Ciidamadda dawladda Tanzaniya Saalim Xaaji Cusmaan. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Reysal Wasaare ku Xigeenka XFS Md.Saalax Axmed Jaamac.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

WASIIR FARTAAG OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY…

Next
Next

NISA IYO TISS OO GAARAY HESHIIS WAX KU OOL AH.