NISA IYO TISS OO GAARAY HESHIIS WAX KU OOL AH.
(SAWIRKA)-SAMBALOOSHE IYO DHIGIISA TANZANIA.
(MUQDISHO)-Agaasimaha Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Md.C/laahi Maxamed Cali(Sambalooshe) ayaa magaaladda Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi balaaran uu Hogaaminaayo Agaasimaha Hayadda Sidoonka iyo Nabad Sugidda dalka Tanzaniya (TISS) Md.Suleymaan Abubakar Mombo oo booqasho laba maalin ah shalay ku soo gaaray caasimadda Muqdisho. Intii ey socotay booqashadaan ayey labada dhinac si weyn uga wada hadleen dadaaladda wadjirka ah ee looga hortegaayo khataraha Ururadda Argagixisada iyo xoojinta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah ee dhinaca Amniga. Waa markii ugu horeysay taariikhda labada dal Soomaaliya iyo Tanzaniya oo si wadajir ah u sameeyaan xiriir Amni oo gaarsiisan ilaa heerkaan soddonkii sano ee la soo dhaafay ee uu burbursanaay dalka Soomaaliya. Hayadaha Amniga ee labada dal ayaa awood u yeelan doono iney xakameeyaan isu socodka Dembiilayaasha ka gudba Xuduudaha gaar ahaan kuwa Soomaaliya ka soo carara ee u gudba dalka Koonfur Afrika halkaaso hadda hooy u ah kuwa badan oo dembiyo ka soo galay dalka Soomaaliya iskana dhiga iney yihiin Ganacsato Soomaaliyeed oo ka xoogsaneysa dalka Koonfur Afrika.
ISHA-SB-MEDIA.