BAYDHABO OO MARTIGELINEYSA MASUULIYIIN…
(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO LAFTAGAREEN.
(BAYDHABO)-Wararka inaga soo gaaro magaaladda Baydhabo ee ah caasimadda Gobolka Baay isla markaasne ah Caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu Hogaaminaayo ey gaareen magaaladda Baydhabo. Wafdigaan balaaran ayaa waxaa Garoonka Korneel Shaat-Guduud ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Koonfur Galbeed Md.C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo boqolaal bulshada ku dhaqan magaaladda Baydhabo. Ujeedka Socdaal RW-Xamse Cabdi Barre ayaa ah mid la xiriira Xoojinta Wada shaqeynta Hayadaha Dawladda Heer Federaal iyo Heer Dawalad Goboleed, u kuur gelidda Horumarka ka jira Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ka qeybgalka Xafladda Sannad-guuradda 6-aad ee ka soo wareegtay mudada uu Dawlad Goboleedka KGS Hogaaminaayey Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen. Shalay ayey ahayd markii ey magaaladda Baydhabo ey gaareen wafdi uu Hogaaminaayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekha Aden Madoobe si ey uga qeybgalaan xafladda Sannad-Guuradda lixaad ee ah markii Madaxweyne loo doortay Md.Laftagareen. Wafdiga Sheekh Aden Madoobe ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Md.Xasan Eelaay, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md.Cali Xoosh iyo Xildhibaano kasoo jeedo DGKGS.
ISHA-SB-MEDIA.