NIN KENYAN AH OO LAGA SII DAAYEY XABSIGA GUANTAN..
(SAWIRKA)-MAXAMED C/MALIK.
(WASHINGTON)-Dawladda Maraykanka ayaa ku wareejisay dalkooda laba Maxbuus oo u dhashay dalka Maleesiya kuwaaso ku xirnaay Xabsiga Guwantanamo Bay ka dib markii ey qirteen eedeymaha la xiriira Qaraxyadii lagu hoobtay ee 2002-dii ka dhacay BAALI,waxayna ogolaadeen kana marag kacaan in ninka lagu eedeeyey inuu hormuud u ahaa weerarkaas iyo weerarada kale,sidaas waxaa sheegtay Wasaaradda Difaaca Maraykanka ee Pentagon maanta oo Arbaca ah. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Maxammed Farik Bin Amin iyo Maxamed Nazir Bin Lep ey sannado ka shaqeeyeen muddo sannad ah Encep Nurjaman oo loo yaqaano Hambali oo ah Hogaamiyaha AL-Qaacidda faraca dalka Indonisiya ee loo yaqaano JAMAACA ISLAAMIYAH. Eedeymaha ayaa waxaa ka mid baxsashada Nurjaman uu ka baxsaday inuu gacanta lagu dhigo ka dib markii uu dhacay Qaraxii Oktoobar/12/2002-dii,Qaraxaas ayaa waxaa ku geeriyooday dad dhan ilaa 202-qofood,waxa uuna Qaraxa dhacay waqti habeen ah gudaha Baali,sidaas waxaa qoraalkooda ku sheegay masuuliyiin Maraykan ah. Hogaamiye Nurjaman ayaa hadda ku xiran Xabsiga Guwatanamo Bay isagoo sugaayo in dib loo bilaabo dhegaysiga dacwadiisa ah ku lug lahaashiyaha Qaraxyadii Baali iyo weeraro kale ka hor bisha Janaayo-2025-ka. Wareejinta labada nin ee Maleesiyaanka ah ayaa ka tegaayo 27-Maxbuus oo ku xiran saldhiga ciidamadda Badda ee Maraykanka ee Guwaantanamo Bay. Madaxweyne George W.Bush waxa uu dhisay Maxkamad Mileteri iyo Xabsi ka dib weerarkii AL_Qaacidda ee dhacay Sebtemba-11-2021-kii gudaha dalka Maraykanka. markii ugu sareysay,Gutamnaamo Bay waxaa ku xirnaay boqolaal rag ah oo u badan Muslimiin gudaha Maraykanka,”Dagaalka Argagixisada”wixii ka dambeeyey weerarkii Sebtembar kowya toban. Talaadadii shalay ahayd,masuuliyiinta Maraykanka ayaa dib u celiyey nin Kenyan ah lana yiraahdo Maxamed C/amlik Bajabu ka dib 17-sano oo uu ku xirnaay Xabsiga Guwantanam Bay iyadoo aan wax dembi ah aan lagu soo oogin . Sii deyntiisa ayaa ka dhigaysa ayaa ka dhigaysa qofkii 15-aad oo aan weligood dacwad lagu soo oogin kuwaaso sugay sii deyn. Maraykanka waxa uu doonayaa dalal ku haboon oo xasillan oo doonaya iney kala wareegaan,qaar badan oo dadkaasi ka mid ah waxa ey ka soo jeedaan dalka Yeman oo hadda ah dal uu ka jiro dagaal dalka laba u kala qeybiyey,waxaane u badan kooxo mintidiin ah gacan saarne la leh dalka Iraan.
ISHA-HILL.