DAGAALKA GAZA OO GALAY MAALINTIISII 439-AAD.

(SAWIRKA)-ISBITAALKA GAZA.

(GAZA)-Wararla laga helaayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in ugu yaraan 38-qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weerarada Isra’iil ee Marinka Gaza maanta oo Arbaca ah,taaso tirada guud ee dhimashada tan iyo sannadkii hore 2023-ka ka dhigayso ilaa 45,097-qof Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sidaas sheegtay maanta oo Arbaca ah,Wasaaradda ayaa raacisay in ilaa 107,244-qof kale ey ku dhaawacmeen weerarada Isra’iil. “Ciidamadda Isra’iil waxa ey dileen 38-Qofood,waxa eyna dhaawaceen 203-qof oo kale weerarada loo geystay shacabka reer Falastiin 24-kii saac ee la soo dhaafay. Waxaa jira dad fara badan oo weli ku hoos jira burburka dhismayaasha iyo burburka Wadooyinka soo gaaray tan iyo markii uu soo bilawday dagaalka Marinka Gaza 7/10/2023-kii. Isra’iil ayaa sii wada dagaalka Xasuuqa ah oo ey ku hayso shacabka degan Marinka Gaza tan iyo markii Xamaas ey weerartay Isra’iil Oktoobar-2023-kii. sannadkii labaad ee dagaalka Marinka Gaza ayaa waxaa soo baxay Cambaareyn Caalami ah oo adag loona jeedinaayo Ciidamadda Isra’iil,waxaane dagaalka Isra’iil ka qeyb ah xanibaad gargaarka loo geynaayo shacabka reer Falastiin oo caalamku u arkay iney tahay dagaal gaajo loogu dilaayo shacabka reer Falastiin. Bishii hore Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ICC ayaa soo saartay amar lagu soo xiraayo Reysal Wasaaraha Israa’iil Benjamiin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Yoav Gallant,labadaan masuul ayaa lagu eedeeyey dembiyo dagaal oo ka dhan ah bani’adanka,sidoo kale,Isra’iil ayaa wajahaysa dacwado Xasuuq ah taaso ka socoto Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ee dagaalka dhimashada badan keenay ee Marinka Gaza. Ilaa hadda dagaalka Marinka Gaza ayaa waxaa ku dhintay ilaa 17,500-Caruur ah, 12-kun oo Dumar ah,dhaawaca guud waa ilaa 107,244-Qofood.

ISHA-AA.

Previous
Previous

NIN KENYAN AH OO LAGA SII DAAYEY XABSIGA GUANTAN..

Next
Next

SUUQBACAAD IYO BAKAARAHA OO XIRAN MAANTA.