SUUQBACAAD IYO BAKAARAHA OO XIRAN MAANTA.
(SAWIRKA)-SUUQA BAKAARAHA.
(MUQDISHO)-Wararka inaga soo gaarayo caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in halkaasi ey maanta ka jirto shaqo joojin ey sameynayaan Ganacsatada ku sugan Muqdisho gaar ahaan kuwood jooga Suuqyadda ugu waa weyn sida Suuqbacaad iyo Bakaaraha,Ganacsiga ayaa hadda xiran waxaane la soo werinayaa in Ganacastada ey ka biya diidan yihiin Canshuur la sheegay iney soo rogtay Wasaaradda Maaliyaddda ee XFS. Xirnaanshaha goobaha Ganacsi ayey Ganacsatada kaga cabanayaan Canshuuro iyo Khidmooyin cusub oo lagu soo rogay Ganacsigooda iyo shaqaalahooda. Sida ilo wareedyo Muhiim ah ey inala wadageen,Canshuurta iyo Khidmada Ganacsatada lagu soo rogay ayaa si gaar ah culeys ugu ah Ganacsatada Gobolka Banaadir kaliyah,Canshuurta ey Ganacsatada G/Banaadir ey Cabashada ka yihiin ayaa waxaa ka mid ah: (1)-Diiwaan-Gelinta Shaqaalaha Ganacsatada, waxa la socoto Canshuur iyana cusub. (2)-Diiwaan Gelinta Ganacsiga(Merchant Registration). (3)-Xisaab Diiwaa-Gelin(Account Registration). (4)-Kormeerka Tayadda Badeecadda(Quality Control). (5)-Lambarka Aqoonsiga Canshuur Bixiyaha(TIN) ee ku qorista badeecad kasta oo laga gato kuna saabsan khidmada-TIN. Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa qaba in iyaga si gaar ah loogu kordhiyo Canshuuraha eyna la qabin Goboladda dalka intooda kale sida maamul Goboleedyada ey wax kaga soo degaan Dekedahooda(BOOSAASO, BERBERA, KISMAAYO).
ISHA-SB-MEDIA.