MUHAAJIRIIN SOOMAALIYEED OO DIB LOO SOO CELIYEY.
(SAWIRKA)-MUHAAJIRIINTA DIB LOO SOO CELIYEY.
(MUQDISHO)-Dawladda Federaalka Soomaaliya,Midawga Yurub iyo Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka(IOM) ayaa si wadajir ah u xoojiyey taageerada soo celinta bani’adanimo ee mutadawacnimada ah si loo caawiyo Muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Libiya iyagoo siinaayo wado Amaan ah bani’adanimo iyo sharaf leh ey dalkoodii hooyo ku soo gaaraan. Diyaarad ey saarnaayeen 147-dhallinyaro Soomaaliyeed oo Muhaajiriin ah oo ey ku jiraan dhawr caruur ah ayaa soo gaaray dalka Soomaaliya, Garoonka Cigaal ee magaaladda Hargeysa waxaa laga dejiyey 31-muhaajir halka intii soo hartay oo dhamaaeed 116-qof laga wada dejiyey Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho. Tani waa duulimaadkii seddexaad ee soo laabashada bani’adanimo ee iskood ah(VHR)muddo laba bilood ah,waxaane mudadaas dalka Soomaaliya ku soo laabtay ilaa 844-Mawaadin oo Soomaali ah kana soo laabtay dalka Libiya. Sida laga soo xigtay Hayadda IOM waxaa dalka Libiya ku xayiran in ka badan ilaa 1,300-qof oo Muhaajiriin Soomaali ah,waxaane halkaasi ka jirto Amni darri,Cunto Xumi,Caafimaad dari,waxa eyna dadkaasi u baahan yihiin in laga difaaco kuwa weerarka ku ah ee raba iney dhacaan,dilaan iyo iney Kufsadaan gabdhaha. Bishii Oktoobar-2024-ka, waxaa dalka dib loogu soo celiyey dad dhan ilaa 164-qof oo laga keenay dalka Libiya, waxaane Garoonka Cigaal ee Hargeysa laga dejiyey ilaa 55-Qof,halka intii soo hartayne laga soo dejiyey Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho. Taariikhdu markeey ahayad 5/12/24-ka,waxaa dalka dib loogu soo celiyey ilaa 161-qof oo laga soo celiyey dalka Libiya,waxaa Garoonka Cigaal ee Hargeysa laga dejiyey 74-qof,halka Garoonka Aden Cadde laga dejiyey inti soo hartay.
ISHA-IOM.