GUD.AMIIR OO XILKA G/BANADIR LA WAREEGAY.
(SAWIRKA)-XIL WAREEJIN.
(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Md.Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad ey xilka kula wareegaayeen Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahne Duqa caasimadda Muqdisho Md.Maxamed Axmed Amiir iyo Gudoomiyihii hore ee G/banaadir ahaayne Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Yuusuf Xuseen Madaale. RW-Xamse ayaa ku amaanay Gudoomiye Madaale shaqooyinkii adkaa ee uu ka soo qabtay G/Banaadir mudadii uu joogay isagoona kula dardaarmay duqa cusub ee G/banaadir Amiir inuu dardar geliyo Qorshaha Horumarinta caasimadda oo ey ugu horeyso adeegyadda dadweynaha iyo in bulshada la gaarsiiyo Doorasho Qof iyo Cod ah si ey u soo doortaan Masuuliyiintooda. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Md. Xildhibaan Cali Xoosh ayaa xilka u kala wareejiyey labada masuul iyadoo munaasabada ey goobjoog ka haayeen Wasiiro iyo Xildhibaano ka wada tirsan XFS,waxaa kaloo goobjoog ahaay Gudoomiyeyaashii hore ee G/banaadir,Gudoomiye ku xogeenadda G/banaadir,Odayaal dhaqameed, Siyaasiyiin,Ganacsato,Haween,dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo ka tirsan qeybaha kale gedisan ee bulshada.
ISHA-GB.