KALA CARARKA XILDHIBAANADA BJFS EE 11-AAD.

(SAWIRKA)-BAARLAMAANKA 11-AAD.

(MUQDISHO)-Marka laga soo bilaabo shirkii Carte ee sannadkii labada kun dalka Soomaaliya waxa uu soo yeeshay Gole Baarlamaan oo gaaraayo ilaa kow iyo toban,dawladihii soo marayne waxa ey kala ahaayeen kuwa ku meel gaar ah iyo kuwa Federaal ah. Hadaba Baarlmaanka 11-aad ee hadda jira ayaa ah mid uu gabaabsi yahay waqtiga shaqadiisa oo waxaa ka harsan wax ka yar laba sano waayo 14-kii Abriil sannadkii 2022-kii ayuu dhismay waxaane la dhaariyey 16-kii Abriil 2022-kii sidaas darteed waxa uu xilkiisa ku eg yahay 16-ka Abriil 2026-ka. Ujeedkeygu ma aha inaan idiin sheego waqtiga uu Baarlamaanka 11-ad xilka baneynaayo laakinse waxa aan rabaa inaan idiin soo gudbiyo waxyaabo la xiriira Xildhibaanadda Baarlamaanka 11-aad ey sameynayaan maalmihii la soo dhaafay. Horay waxa aan u ogayn in Qofka shaqa doonka ah inuu soo maro Xildhibaankiisa una geysto CV-giisa balse arrinkaas ayaa hadda isu bedelay in Xildhibaanada ey CV-gooda u geystaan Madaxda Hayadaha DFS, si aan arrinkaan wax uga ogaano waa kuwee Xildhibaanadda isaga tegay Baarlamaanka kuna biiray Hayadaha DFS sida:(1)-Xildhibaan Xamse Cabdi Barre,oo loo magacaabay Reysal Wasaare. (2)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, oo ku fadhiyey kursiga HOP#147,ayaa isaga tegay xilkaas waxa uuna noqday Agaasimaha Hayadda NISA,balse xilkaasi laga qaaday. (3)-Xildhibaan,C/laahi Maxamed Cali(Sambalooshe) oo ku fadhiyey kursiga HOP#058,waxaa loo magacaabay Agaasimaha Hayadda NISA,isaga ayaana hadda ah Agaasmaha NISA. (4)-Xildhibaan,Mustafa Sheekh Cali Dhuxulaw,oo ku fadhiyey HOP#049,waxaa loo magacaabay Agaasimaha Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha,welina lama uusan wareegin xilkaas. (5)-Xildhibaan Mahad C/raxman Maxamed, oo ku fadhiyey kursiga HOP#172,ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,weline isaga ayaa haayo xilkaas. (6)-Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan,oo ku fadhiyey kursiga HOP#248,ayaa loo magacaabay Taliye ku xigeenka Hayadda NISA,xilkaan ayaa ah mid hadda loo dhiibay. Waxaa Xusid mudan in Xildhibaanadda u shaqa doontay Hayadaha DFS ey ka soo kala jeedaan Maamul Goboleedyadda Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

SB-MEDIA.

Previous
Previous

GUD.AMIIR OO XILKA G/BANADIR LA WAREEGAY.

Next
Next

QARAX MOOSKO KA DHACAY OO LAGU DILAY…