DALKA YUKREYN OO KA HADLAY DILKII IGOR KRYLOVE.

(SAWIRKA)-IGOR KRYLOVE.

(LONDON)-Maalmo ka hor ayey ahayd markii Qarax lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadda dalka Ruushka ee dagaalka kula jira dalka ey deriska yihiin ee Yukreyn. S/G.Igor Krylov dilkiisa ayaa noqday mid si aad ah u soo jiitay indhaha dadka la socdo xaaladda dagaalka Yukreyn iyo Ruushka waayo qaabkii loo dilay sarkaalka iyo kaaliyihiisa ayaa ahaay mid si heer sare ah loo soo qorsheeyey laguna guuleystay fulintiisa. In Ruushka laga dilo sarkaal ey sareyso darajadiisa waxa ey su’aal adag gelisay bad qabka saraakiisha Ruushka ee qeybta ka ah dagaalka Yukreyn iyo Madaxweynaha Ruushka Valadami Putin. Ilo wareedyo ey soo xigatay BBC-da kuna lug leh Amniga iyo Sirdoonka Yukreyn ayaa xaqiijiyey in Sirdoonka Yukreyn ey qaadi doonaan hawlgallo ka dhan ah Ciidamadda Ruushka iyo Saraakiisha Sar sare ee qeybta ka ah dagaalka Yukreyn meel kasta oo ey joogaan.

ISHA-BBC.

HALKAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

WAFDI ALJEERIYAAN AH OO SOO GAARAY….

Next
Next

WASIIR HORE OO TALYAANI AH OO DACWAD…