WASIIR DHABANCAD IYO WASIIR CAARSHE OO LOO XALAALEEYEY…

(SAWIRKA)-WASIIRADDA DHABANCAD IYO CAARSHE.

(GARAWE)-Wararka inaga soo gaaraayo caasimadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Madaxweyne Siciid C/laahi Deni uu habeenkii xalay ahaa uu soo saaray Dikireeto uu ku magacaabayo Wasiirkiisii hore ee Maaliyadda ee Dawlad Goboleedka Puntland Md.Maxamed C/raxmaan Dhabancad inuu noqdo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dawalad Goboleedka Puntland. Isla Dikireetadaas ayaa Wasiirkii hore ee Tamarta iyo Macdanta Dawlad Goboleedka Puntland Md.Caarshe Maxamed Siciid loogu magacaabay inuu noqdo Wakiilka Arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dawlad Goboleedka Puntland. Labadaan masuul ee hadda lagu magacaabay Dikireetada Madaxweyne ayaa waxa ey ka mid ahaayeen masuuliyiin hore kana tirsanaay Xukuumaddii hore ee Dawlad Goboleedka Puntland kuwaaso Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawaladda Puntland uu ka codsaday una qabtay muddo iney dib u soo celiyaan Gaadiidkii ey lahaayeen Wasaaradihii ey horey uga tirsanaayeen waqtigii ey xilalka haayeen,balse hadda waxaa muuqata in Madaxweyne Deni uu u xalaaleeyey Gaadiidkii shacabka Puntland loogu adeegi lahaay masuuliyiin aan wax xil ah ka hayn Xukuumadda dawladda Puntland.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

DAGAALKII SACAD IYO LEELKASE OO GO’AAMO LAGA SOO SAARAY.

Next
Next

BAARLAMAANKA TURKIGA OO U CODEYNAYA IN CIIDAMO LOO…