BAARLAMAANKA TURKIGA OO U CODEYNAYA IN CIIDAMO LOO…
(SAWIRKA)-MARKAB DAGAAL EE TURKIGA.
(ISTANBUL)-Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii horgeeyey Baarlamaanka Turkiga dhaqdhaqaaq uu ku dalbanaayo ogolaanshaha in Ciidamo Turki ah la geeyo Badda Soomaaliya. Talaabadaan ayaa daba socoto heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ey wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga bishii Feberaayo-2024-ka,kaaso ujeedkiisu yahay in la xooojiyo awooda difaaca Badda Soomaaliya iyo in la sameeyo ciidamo badeed ka socdo wadamadda Afrika. Heshiiskaan Qarsoodiga ah ayaa la sheegay in la soo afjaray iyadoo laga jawaabaayo heshiiskii Itoobiya ey la gashay maamulka Gooni-Goosadka ah ee Soomaaliland bishii Janaayo-2024-ka kaaso dawaladda Itoobiya xaq u siinaayo iney dhisato deked Mileteri. Horaantii bishaan, Turkiga wuxuu martigeliyey Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya si ey dhexdhexadiyaan, xalna laga gaaro xiisadda ka dhalatay heshiiskii Itoobiya iyo Soomaaliland. In kasta oo kulamadda ey ku soo dhammaadeen bayaan wadajir ah ey ku muujinayaan rabitaanka in wax la qabto,haddane ilo wareedyo ayaa Middle East Eye u sheegay in dalka Itoobiya yahay kan isaga bilaabay dalabka wada hadaladda,in kasta oo dhexdheaadinta la bilaabay,hadane waxa ey muujisay is qab-qabsi xoogan iyo diidmo xagga horumarka ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga ayaa ka gaabsatay iney ka hadasho.
ISHA/ME.