DAGAALKII SACAD IYO LEELKASE OO GO’AAMO LAGA SOO SAARAY.

(SAWIRKA)-GOGOSHA SACAD IYO LEELKASE EE GALBEEDKA G/MUDUG.

(GAALKACYO)-Wararka ka imaanaayo degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in masuuliyiin ka tirsan Maamuladda Galmudug iyo Puntland oo ey wehliyaan Odayaasha Dhaqanka labada Beelood ee Sacad iyo Leelkase ey soo saareen Qodobo dhammaystir u ah Nabadeynta Colaadii ka dhacday Galbeedka Gobolka Mudug. Dhinacyada ayaa shir ku yeeshay degaanka Maygaagta ee Galbeedka G/Mudug waxaane lagu dhawaaqay Qodob dhammaystir u ah fulinta Go’aamadii Xabad-joojinta ee colaad laba Beelood ee ku dagaalamay Galbeedka G/Mudug. Waxaa la go’aamiyey in hubin lagu sameeyo dhammaystirka fulinta Xabad-joojinta iyo kala qaadista Maleeshiyaadka beelihii dagaalamay,isla maarkaasne Ciidamada qaabilsan Amniga ey xaqiijiyaan inaan isku dhac dambe imaan inta laga hirgelinaayo Heshiis Nabadeed oo Rasmi ah. Waxaa sharci adrro loo aqoonsaday in dhismayaal iyo degaameyn laga sameeyo dhulkii lagu dgaalamay,waxaane loogu baaqay dhammaan Odayaasha labada beelood iney kaalintooda ka qaataan fulinta go’aamadii xabad-joojinta labada dhinac. Taariikhdu markeey tahay 5/8/2024-ka ayaa lagu balamay amaba loo asteeyey inuu furmo shirka rasmiga ah ee Nabadeynta labada beelood kaasi oo lagu qabanaayo magaaladda Gaalkacyo si loo dhammaystiro Gogosha wda ahadaladda Nabadda labada dhinac ee dagaalmay. Waxaane la go’aamiyey in Gogosha wada hadaladda ey ku koobnaan doonto oo kaliyah Odayaasha labada beelood iyadoo maamuladda Galmudug iyo Puntland ey korjoogteyn doonaan wada hadaladda lana xalliyaan Odayaasha wixii la isku afgaran waayo eyna hagi doonaan farsamadda maamulidd shira labada dhinac u dhexeeyo.

ISHA/PP.

Previous
Previous

JARMALKA OO FASHILYEY WEERAR EY WADAY DAACISH.

Next
Next

WASIIR DHABANCAD IYO WASIIR CAARSHE OO LOO XALAALEEYEY…