WARGAYS FALANQEYN KU SAMEEYEY MUSHARIXIINTA XILKA MADAXWEYNAHA.
Wargayska ka soo baxa dalka Kenya lana yiraahdo THE STANDARD ayaa wax ka qoray doorashada madaxweyne ee dalka soomaaliya ee sanadkaan 2021-ka,wargayska ayaa waxa uu mid mid uga hadlay musharixiinta xilka madaxweyne ee soomaaliya waxa uuna wargayska ku bilaabay madaxweynaha uu xilkiisu dhammaaday ee Farmaajo,waxyaabaha uu wargaysku ka sheegay Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah Wadaniyadda taasoo Farmaajo uu aad isticmaalay waqtigii uu ku jiray ololaha doorashadiisa iyo arrinta ku saabsan inuu dalka ka ceyrinaayo ethopian-ka taaso fashilantay. Mar uu wargayska ka hadlaayey Xasan sheekh ayuu sheegay in Xasan lagu dhaliilo inuu yahay nin waqtigiisii uu musuqa gaaray heer aan la qiyasi karin,Madaxweyne Shariif ayuu wargaysku ku tillmaamay inuu yahay nin eey yar tahay balse ah dagaal yahan meel iska saari kara kooxda Alshabaab,mar uu wargayska ka hadlaayey Xasan Cali Khayre ayuu ku sheegay nin Daacad ah wax weyna ka qabtay dhinaca maaliyada dalka soomaaliya,musharixiinta uu falanqeynta siyaasadeed ku sameeyey wargayska ayaa waxaa ka mida Cabdulqaadir Cosoble,Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. XIGASHO THE STANDARD.