WARAR QUBANE AH.
MANHAJK PUNTLAND.
(MUQDISHO)-isgoyska Florence ee degmada Wardhiigley waxaa ka dhacay Qarax nuuca baabuurta lagu xiro ah waxaane qaraxa lagu xiray baabuur uu iska leeyahay nin la sheegay inuu yahay Takhtar,qaraxa ayaa ahaay midaan lagu guulaysan waayo qofkii la rabay in lagu khaarijiyo alle ayaa ka badbaadiyey oo baabuurka ayaaba kaligiis iska qarxay ayadoo aan ciddi saarneyn. Warbaahinta DFS ayaa baahisay in ciidamadda Maraykanka ee ka hawlgala Afrika(AFRICOM) eey qaadeen weerar cirka ah laguna qaaday kooxda Alshabaab fariisimada eey ku leeyihiin Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya. Dhimashada dhinaca Alshabaab gaartay ayaa lagu sheegay ineey dhan tahay 13-dagaalyahayn, Alshabaab ayaa todobaadkii la soo dhaafay la dagaalantay ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu wakiil gaar ah u magacaabay East Africa Community(EAC) waxaane xilkaan DFS u qaban doono wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya waqtigii Xasan Sheekh Mudane C/salaam Hadliye Cumar.
(Cumaan)-Dooni lagu magacaabo Al-Caalam oo siday badeeco gaarayso 1600-Ton laguna qiimeyey lacag dhan afar milyan($ $,000,000) oo doolarka Maraykanka ah ayaa ku gubatay xeebaha dalkaasi Cumaan xilli eey doonta ku soo jeeday dalka Soomaaliya. Sida la soo sheegay doonta ayaa u rardneed Ganacsato ka soo jeedo maamulka Puntland ee Soomaaliya,badeecadda eey doonta waday ayaa kala ahaay: Shidaal,Raashin,Gaadiid kala gedisan,Qalabka dhismaha iyo Bagaash. Asal ahaan doonta ayaa ka soo furatay dalka Imaaraatka Carabta waxa eeyna ku soo jeeday dekadda Bosaaso ee maamulka Puntland.
(KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA)-Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee KGS ayaa lagu kala diray golihii degaanka ee degmada Berdaale ee Gobolka Baay waxaane hawsha degmada Berdaale sii wedi doono golaha fulinta inta laga soo dooranaayo gole cusub, arrintaan kala dirida ayaa timid ka dib markii eey maanta hawl shaqo ku tageen Berdaale Wasiirka Amniga iyo Wasiiro kale kana wada tirsan golaha wasiiradda ee KGS iyo gudoomkiyaha Gobolka Bay. Golahaan degaanka ee Berdaale ayaa xilkiisu waxa uu ku ekaay Janaay-2022-ka.
(PUNTLAND)-Shir maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntaland uuna garwadeen ka ahay MW-Deni eeyna ka qeybgaleen wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare,madbacdaha daabaca buugtaagta ardayda Puntland ayaa waxaa go’aan looga gaaray qiimaha bugaagta dugsiga sare ee maamulka Puntland taaso uu horay u joojiyey Madaxweyne DENI,qiimihii hore ee bugaagta dugsiyada sare ee Puntlanda ayaa ahaay$50 taaso macnaheedu yahay in halkii buugba yahay shan doolar($5),laakinse hadda oo laga shiray arrinka buugaagta ayaa la isla gartay in wax laga dhimo waane sidan: In qiimihii ahaay $5 in laga dhigo $3 maamulka Puntland waxa uu qaaday masuuliyadda inuu bixin doono lacag dhan hal milya($1,000,000) taaso macnaheedu yahay in maamulka bixin $2 oo ka mida shanta doolar($5), waalidiinta ayaa iska bixin doono halkii buugba lacag dhan seddex doolar($3). Arrinta kharashka buugaagta dugsiyadda sare ee Puntland ayaa waxaa ka dhashay qax ku yimid aradaydii reer Puntland waxa eeyn u qaxeen maamulka la deriska ah ee Galmudug.
ISHA WARKA-SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA)
FIKIRKAADA HOOS INOOGU REEB ADIGOO MAHADSAN.