MAXAA KEENAY DOODA?

DEEQDII KA TIMID IMAARAATKA CARABTA(UAE).

(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya waxa uu yeeshay dawlad aan ahayn xilgaarsiin balse ah dawlad Rasmi ah.RW-Xamsa golihii wasiradda uu soo dhisay ayaa waxaa la ansixiyey 7/8/2022-ka waxaane u codeeyey Xildhibaano gaaraayo 229-xildhibaan,golahaan Wasiiardda ayaa u badan Xildhibaanadda golaha shacabka ee BJFS waane 76%,hadaba maxaa soo kordhay oo mudan inan ka hadlno? Dalka Imaaraatka Carabta(UAE) ayaa dalka Soomaaliya waxa uu ugu deeqay deeq lagu qiimeyey ineey dhan tahay 35-Milyan oo Dirham una dhiganta($9,528,956.46) oo doolarka Maraykanka ah lacagtaan ayaa loogu talagala in wax looga qabto Abaaraha dalka Aafeeyey galaaftayne dad iyo duunyo. deeqda ayaa u badan cunto loogu qorsheeyey in la gaarsiiyo dadka u baahan kuna kala sugan dalka qeybihiisa kala duwan,miisaanka deeqda ayaa lagu sheegay ineey dhan tahay 1000-Ton halka eey 40-tan konteenar yihiin waxa deeqda lagu keenay dekada Muqdisho. Horay waxaa u jirtay Wasaarad la yiraahdo Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka masuulna ka ahayd arrimaha Abaaraha iyoo deeqaha loogu talagalay laakinse hadda ma jirto wasaaradaas oo waa la baabi’iyey oo Waaxyo ayada ka mid ahaay ayaa la hoos geeyey Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda waxaane Wasiir ka ah Xildhibaanad Khadiija Al-Makhzuumi,laakinse waxaa dhacday in Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaaka iyo Dib u heshiisiinta EX-Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi inuu dalbaday inuu isaga xaq u leeyahay inuu isaga qeybiyo kana bixiyo Dekadda Muqdisho,arrintaan ayaa gaartay Xafiiska RW-Xamsa waxaane qasab noqotay in RW-Xamsa xal u helo arrintaan Gargaarka ka yimid Imaaraatka cidii qeybin lahayd looguna dhiibi lahaay dadka u baahan in la gaarsiiyo deeqdaan deg dega ah,waxaane qasab noqotay in la sameeyo gudi dalka Imaaraatka kala soo wareego deeqda,gudiga ayaa ka kooban Wasiirul Dawlaha Xafiiska RW-Xamsa Mudane Xirsi Jaamac Gaani,Wasiirka Dekedaha Mudane C/laahi Axmed Jaamac(Ilkajiir) iyo Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska RW-Xamsa Mudane Maxamed Abuukar Zubayr.

ISHA WARKA GOOBJOOGE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

WARAR QUBANE AH.

Next
Next

LAFTAGAREEN XAGEE AYU U WADAA KGS?