LAFTAGAREEN XAGEE AYU U WADAA KGS?
SAWIRKA WAA SHIRKII MAANTA EE BAYDHABO.
(BAYDHABO)-Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya(KGS) waxaa hadda Madaxweyne ka ah C/casiis LaftaGareen waxaane waqti xileedkiisa ka harsan dhawr bilood oo waxa uu ku eg yahay 18/12/22-ka balse MW-LaftaGareen waxa uu sheegtaa ineey u dhiman tahay hal sano eey ansixiyeen Baarlamaanka KGS. Siduu ka hor sheegay Tv-ga Universal xafiiskiisa Muqdisho Wasiirkii hore Gaashaandhiga ee DFS Mudane C/xakiin halka sano uu sheeganaayo LaftaGareen ayaa ku timid is waafajinta waqtiga eey dhacayaan xilalka Baarlamaanka KGS oo dhacaay 18/12/2023-ka iyo xilka Madaxweynaha KGS uu dhacaayo 18/12/22-ka, laakinse arrintaan waxaa ka biya diidsan Siyaasiyiin reer KGS ah uuna ugu horeeyo Gudoomiyihii hore ee aqalka hoose ee BJFS Mudane Jawaari,Madaxweynihii hore ee KGS Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyadda DFS ee waqtigii Xasan Sheekh Maxamuud Mudane Fargeeto iyo Siyaasiyiin kale kana soo wada jeedo degaanka KGS. Warar ayaa sheegaayo in DFS damacsan tahay in maamulka KGS Madaxweyne looga dhigo Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur si degaanada KGS looga saaro Alshabaab,waxaane jirto in Abu Mansuur uu muddo shan sano ah kula dagaalamaayey Alshabaab dhulka uu ka soo jeedo ee ah Gobolka Bakool degmooyinkiisa,waxaane Sheekha halkaas ugu dhintay wiil uu dhalay. MW-LaftGreen ayaa ka soo laabtay booqasho uu ku tegay dalka Itoobiya todobaadkii hore waxa uuna dalka Itoobiya la soo galay heshiisyo aan shaaca laga qaadin waxa eey yihiin balse eey u muuqato ineey yihiin kuwa jiro. Soo laabashadii MW-LaftaGreen waxa uu shir la galay golihiisa Wasiiradda gaar ahaan Wasiiradda Aminiga,Qorsheynta iyo waxbarashada anagoo og in maaulka KGS aanan waxba laga qaban adeegyada bulshada sida caafimaadka,Waxbarashada,Abaaraha amnigane uu yahay kan ugu liito KGS marka l barbardhigo wasaaradaha kale ee KGS waayo hayadihii Amniga ee maamulka KGS ayaa u jihaysan dhinaca shacabka KGS caadiskooda ee uma jihaysna ineey la dagaalmaan Alshabaab iyo kooxaha halista ku ah Amniga kuna sugan degaanada KGS, Tusaale ahaan Wariyaha ku sugan KGS xur uma aha inuu soo diro sida wax u dheceen oo sax ah waayo xarig ayuu ku muataysanaayaa warkiisa. Hadaba maanta oo Sabti ah MW-LaftaGareen waxa uu shir la yeeshay saraakiil ka kala socotay Itoobiya,Liyu Police iyo UK ujeedka shirkaan ayaa daba socdo qorshaha Qaac isku qarinta ee MW-LaftaGareen ee ah waxaan la dagaalaa Alshabaab oo loo arko muddo kororsi dadban waayo Alshabaab aanan lala dagaalin afartii sano ee la soo dhaafay waa maxay sababta keeni karta in lala dagaalo maanta uu xilkiisu ka harsan yahay afar bilood? Waa arrin iska muuqato in MW-LaftaGareen rabin inuu xilka ku wareejiyo waqtigii loogu talagalay oo ah 18.12.22, midne ma ahaan doonto suuragal in MW-LaftaGreen KGS u horseedo dagaal sokeeyo oo ah sida uu isagu rabo balse eey diidan yihiin shacabka KGS. Beesha uu ka soo jeedo MW-LaftaGareen ee la yiraahdo XARIIN ee gacan saarka la leh beesha uu ka dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmajo ee Mariixaan lana sheego ineey abtiyaal u yihiin MW-LaftaGraeen ayaa ah mid si fiican lug ugu leh fawdada uu wado MW-LaftaGareen, waxaane jiro shaqsi nafta ku dhibay shacabka KGS kuwooda adeeg u doonta dawlad goboleedka KGS xarunteeda ku meel gaarka ah ee Baydhabo waa nin eey isku hooyo yihiin MW-LaftaGareen balse dhalasho ahaan ka soo jeedo Beesha Hawiye,ninkaan ayaa la sheegay inuu xildhibaan u raadsaday Hirshabeele halkaaso degaan ahaan uu ka soo jeedo balse uu ku so hungoobay dhaqaalihii ku baxay u tartanka kursiga Xildhibaanimo ayaa la sheegaa inuu ahaay mid laga saaray khasnada dawlad goboleedka KGS mana jirto cid MW-LaftaGareen kula xisaabtan arrintaan ilaa hadda uu xilka banaynaayo.
ISHA WARKA SUUQ-BACAAD MEDIA.
HALKAAN KAL SOCO XOGAHA KGS.