WAR-SAXAAFADEED KA SOO BAXAY DFS.
9SAWIRKA0-DHISMAHA WASAARADDA WARFAAFINTA DFS.
(HARGEISA)-Wararka ka imanayo caasimadda Goblka Waqooyi Galbeed ee dalka Soomaaliya ee Hargaysa ayaa sheegaayo in Maamulka Soomaaliland ee halkaasi ka arimiya uu qaaday talaab aad u fool xun taaso ka caraysiis dhammaan bulshada caalamka,Maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu jirdil iyo xabsi isugu daray madaxdii iyo shaqaalihii Tv-ga MM ee magaaladda Hargaysa,sababta keentay in la beegdado Tv-ga MM-TV ayaa lagu sheegay in Tv-gu uu madal ku qabtay barta Twitter-ka(X) madasha ayaa waxaa looga hadlaayey arrimo ku saabsan Heshiiskii dhexmary maamulka Soomaaliland iyo dawaladda Federaalka Itoobiya horaantii Bishaan Janaayo-2024-ka,cinwaanka madasha ayaa ahaay Heshiiska Soomaaliland iyo Itoobiya muxuu Faa’iido iyo Khatar leeyahay,siyaasiyiintii madasha ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaay Yuusf Garaad Cumar oo horay Soomaaliya uga soo noqday Wasiirka Arrimaha Diabadda waqtigii MW-Farmaajo. DFS ayaa waxa ey Warsaxaafadeed ka soo saartay dhacdaasi waxa eyna si aad ah u cambaareysay falka lagula kacay wariyeyaasha iyo maamulka TV-ga MM-TV.
ISHA/CAASIMADDA.