DAWLADDA JABUUTI OO WAR CULUS KA SOO SAARTAY…
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA DALKA JABUUTI.
(DJIBOUTI)-Waxaa isa soo taraayo cambaareynta loo jeedinaayo Heshiiskii xaaraanta ahaay ey wada galeen Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Reysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed horaantii bishaan Janaayo-2024-ka. Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah dalka haayo Hogaanka Ururka Goboleedka IGAD ayaa xaqiijiyey inuu si qoto dheer u ilaalinayo Madax-banaanidda,Midnimada iyo Wadajirka dhuleed ee dhammaan dawladaha Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD sida ku cad Heshiiska IGAD iyo Xeerka Dastuurka Ururka Midawga Afrika. Maalmo ka hor ayaa waxaa arrinta taagan ka hadlay Xoghayaha Fulinta IGAD ahne nin u dhashay dalka Itoobiya horay dalkaasi Itoobiya uga soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Workneh Gebeyeh,hadalka Xoghayaha ayaa noqday mid si aad ah loogu wada qoslay markii la arkay lana wada akhriyey waayo maba soo hadal qaadin xadgudubka uu sameeyey dalkiisa Itoobiya waxa uuna arrinta ka dhigay mid iska caadi ah una dhexeeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
ISHA/CAASIMADDA.