MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDIGII LA SOCDAY OO….
(SAWIRKA)-SOO DHAWEYNTII MADAXWEYNE XASAN SHEEKH EE ASMARA.
(ERITREA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Eritereeya ee Asmara ayaa sheegaayo in halkaasi uu gaaray maanta oo Isniin ah Madaxweynaha Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hogaaminaayo,Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa sheegtay inuu yahay mid shaqo,waxaane wafdiga Madaxweynaha garoonka Asmara ku soo dhaweyey Dhigiisa dalka Eritereeya Isaias Afwerki,dawaladda Eritereeya oo ka hadashay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa sheegtay inuu yahay mid qaadan doono muddo laba maalmood. Dalka Eritereeya ayaa waxaa ku sugan askar halaasi u joogto tababar ciidan kuwaaso ey Eritereeya u soo dirtay Xukuumadii Madaxweyne Farmaajo. Dhinaca kale,waxaa laga yaabaa in labada dal ey ka arrinsadaan xaaladda ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ah xadgudbka ey Itoobiya ku sameysay Madax-banaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya.
ISHA/HIIRAAN.