ITOOBIYA OO KA WALAACSAN BOOQASHADA MW-XASAN EE ERITEREEYA.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA ERITEREEYA IYO REYSAL WASAARAHA ITOOBIYA.

(ADDIS-ABABA)-Waxaa sii kululaanayso xaaladda adag ee ka dhex taagan wadamada Bariga Afrika gaar ahaan mida u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan Madaxbanaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya ey ku soo xadgudubtay Itoobiya,arrintaan ayaa waxaa ka dhashay carro gaartay in dalka Soomaaliya u yeerto safiirkoodii u fadhiyey dalka Itoobiya waxaane dalka Soomaaliya isaga tegay safiirkii dalka Itoobiya u fadhiyey dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaary dalka Eritereeya caasimaddiisa Asmara maanta oo Isniin,booqashada wafdiga ka yimid Soomaaliya ee dalka Eritereeya ayaa waxaa ka hadlay Wargayska la yiraahdo Addis Standard kuna soo baxa Afka ingiriisiga,Wargaysku si toos ah uma abaarin sheekada Soomaaliya iyo Eritereeya ka dhexeeyso laakinse waxa uu si toos ah u beegsaday dalka Eritereeya kaalintiisa Gobolka Geeska Afrika. Waxa uuna Wargaysku hadalkiisa ku bilaabay Qaabka ey Itoobiya u wajahayso xiriirka dalka Eritereeya waxa uu ku saleysan yahay laba maado: (1)-Saameynta weyn ey Asmara ku leedahay siyaasadda dalka Itoobiya waxa ey u baahan tahay in la xakameeyo. (2)-Eritereeya waa dalka ugu haboon ee deriska ah si ey u fuliso hamiga Juqaraafiga siyaasadeed ee dawaladda Addis. Maamulka Eritereya ayaa aaminsan in dawladda Itoobiya u dhaqanto mid ayada ugu xoog badan Gobolka Geeska Afrika iyagoo isku dayaayo iney siyaasad ahaan u go’odoomiyaan dalka Eritereeya. Asmara waxay si taxadar leh oo feejigan ula macaamilaysaa isbedelka deg dega ah ee siyaasadda deriskeeda ee ku aadan rabitaanka deked ku taalo dalka Eritereeya, iyadoo u aragto khatar toos ah oo u dhiganta ku dhawaaqid dagaal. Waxaa jiro seddex xaaladood oo suuragal ah mustaqbalka xiriirka Itoobiya iyo Eritereeya sida khidad dagaal,xakamayn jilicsan ama ismari waa. Hadalka Reysal Wasaaraha Itoobiya oo bedelay ayaa laga yaabaa inuu la macna yahay in dawaladiisa ey dib u qiimeyn ku sameyso doorkeeda oo ey meesha ka saarto talaabo Mileteri si Gobolka looga badbaadiyo colaad kale.

ISHA/ADDIS STANDARD.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

TALIYE CISMAAN GAAB OO LAGU DILAY WEERAR JIDGAL AH.

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDIGII LA SOCDAY OO….