TALIYE CISMAAN GAAB OO LAGU DILAY WEERAR JIDGAL AH.
(SAWIRKA)-HAYADDA SIRDOONKA QARANKA EE NISA.
(QORYOOLEY)-Wararka laga helaayo degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeeladda Hoose ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in maanta oo Talaada ah(9/1/24)-ka inuu halkaasi ka dhacay weerar Jidgal ah,weerarka ayaa waxaa qaaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Ashabaab kuna sugan G/shabeeladda Hoose gaar ahaan degmada Qoryooley,weerarka Jidgalka ah ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamaddii la weeraray. Wararka ayaa sheegayo in weerarka lagu qaaday Kolonyo uu hogaaminaayey Taliyaha NISA ee degmada Qoryooley Cismaan Xasan Cabdi(Cismaan Gaab) waxaane goobta ka dhacay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinac. Sida la soo sheegay Weerarka ayaa waxaa ku dhintay Taliye Cismaan Gaab iyo seddex askeri oo ilaaladiisa ahayd,waxaane dhacdadaan ka tacsiyeeyey Gudoomiyaha G/shabeeladda Hoose Md.Maxamed Ibraahim Barre.
ISHA/CAAIMADDA.