B/WEYNE: NISA OO QABATAY MALEESHIYAAD ALSHABAAB AH.
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA ALSHABAAB EE LAGU QABTAY B/WEYNE.
(HIIRAAN)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Hiiraan ee Beled Weyne ayaa sheegaayo in Hayadda Sirdoonka Qaranka(NISA) oo gudanaysa waajibaadkeeda Qaran ey gacanta ku soo dhigtay dhagar qabayaal doonaayey iney u gudbaan maamulka Galmudug halkaaso kooxda Alshabaab ey ku wajahayso dagaal adag oo kaga imaanayo Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga degaanka ee Macaawiisleyd,ragaan maanta la qabtay ayaa isku dayey iney si dhuumaaleysi kaga baxaan magaaladda Beled-weyne una gudbaan Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudg. Hawlgalka lagu soo qabtay ragaan ka tirsan dagaalyahanada kooxda Alshabaab ayaa ka dhacay Beled-Weyne waxa uuna ahaay mid qorsheysan ey hayadda NISA dabagal ku haysay dhaqdhaqaaqa maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee raba iney ku biiraan dagaalka ka socdo Galmudug ee lagu baacsanaayo kooxda Alshabaab.